Ahlusuna oo Idaacado G/gaduud ka mamnuucday tebinta duruusta diiniga ah ee shekeh Mustafe Xaaji Ismaaciil iyo Shabaab oo idaacad ka furatay Ceelbuur (warbixin)


MudugNet, Muqdisho, Axad,18ka Luulyo, 2010.

 

Maamulka Ururka Ahlusuna ee Gobalka G/gaduud ayaa labaabada isugu dhiftay idaacado madax banaan oo ku yaal magaalada Caabud Waaq kuwaasi oo la sheegay in lagu haysto arrimo kala gedisan.

Wararka nagasoo gaaraya Caabud waaq ayaa sheegaya in Idaacadaha badbaado iyo Radio Caabud Waaq lagu amray in ay joojiyaan duruusta diiniga ah oo ay idaacadahaasi ka jeediyaan sheekh Umal iyo sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil haaruun.

Agaasimaha Radio Caabud Waaq C/kariin Bulxan ayaa sheegay in awaamirtaasi ay u adkaysan waayeen awaamir lagu mamnuucayo siirada Nabiga iyo Tafsiirka qur'aanka Kariimka ah.

"waxay na dheheen joojiya siirada uu akhriyo sheekh Musate xaaji Ismaaciil iyo sheekh Umal waxaa kale oo ay noo sheegeen in aanan dhihin karin shabaabul Mujaahidiin arrinkaas waa nagu cuslaaday waana iska deminay idaacadii"ayuu yiri Bulxan.

Dhinaca kale agaasimaha radio Bad Baado C/weli xasan ayaa sheegay in Ahlulusuna ay diiday in ay baahiyaan casharada sheekh maxamuud Ow cabdulle Cariif iyo sheekh Max'med Dirir oo ay wahaabiyo ku tilmaameen.

Dhinaca kale Wararka caawa nagasoo gaaraya Gobalka G/gaduud ayaa sheegaya in Idaacad cod xoogan leh ay hawada soo gashay taasi oo tebinaysa warar ujanjeera dhanka xarakada Al Shabaab. 

Al Shabaab ayaa lasoo sheegayaa in ay idaacad ka furtay magaalada Ceelbuur waxayna idaacadaasi soo gaaraysaa meel ku dhaw magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka iyo degmooyin kale.

 Yuusuf Alqaadi Afhayeenka Ahlusuna oo caawa Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Go'aanka lagu xiray Idaacadaha C/waaq uusan ahayn go'aan Ahlusuna u dhantahay balse wuxuu sheegay in uu yahay mid maamul heer degmo ah.

"idaacadaha C/waaq lagu xiray ma ahan go'aan Ahlusuna u dhantahay waa mid heer degmo ah, waxaanse maqlayna in Khawaarijta shabaab idaacad daciif ah Hawada soo geliyeen si ay shacabka u jiha wareeriyaan"ayuu yiri Al qaadi.

Dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya ayaa tacadiyo u gayasta saxaafada balse welin ma dhicin in koox hubayan ay joojiso duruusta ay mashaa'ikhdu jeediyaan, sheekh Mustafe ayaa ah sheekh ay si aad u jecelyihiin muxaadaraadkiisa soomaalida gaar ahaan qurba joogta oo uu kala hadlo tarbiyayna caruurta