Dowladda KMG Somalia ayaa
cambaaraysay xayiraad ay Al
Shabaab kusoo rogtay howlihii
shaqo oo ay waday Hay'adda
cunada aduunka WFP, dowladu
waxay sheegtay in ay diyaar u
tahay sugidda amaanka shaqaalaha
hay'adaasi
Yuusuf Maxamed Siyaad
Indhacadde wasiiru dowlaha
Gaashaandhigga dowladda KMG
ah oo maanta shir jaraa'id
ku qabtay magaalada Muqdisho
ayaa sheegay in xayiraadda
ururka Al-shabaab uu ku soo
rogay hay'adda WFP ay tahay
mid caqabad ku ah gargaarka
ay hay'adda WFP siin jirtay
shacabka Soomaaliyeed.
Indhacadde ayaa sheegay in
dowladda KMG ah ay ka go'an
tahay inay gacan weyn ka
geysato sidii hay'adda WFP
ay gargaar iyo kaalmo u siin
laheyd shacabka Soomaaliyeed,
waxaana uu ugu baaqay
hay'adda WFP inay sii wado
howlihii ay ka heysay
konfurta dalka Somalia.
"Hay'adda WFP waa inay sii
wadaa howlihii ay ka waday
konfurta Somalia oo aysan
dhag jalaq u siin amarka
kooxaha nabad diidka ah"
ayuu yiri Yuusuf Maxamed
Siyaad Indhacadde wasiiru
dowlaha Gaashaandhigga
dowladda KMG ah.
Yuusuf Indhacadde ayaa
carabka ku dhuftay in
dowladda KMG ah ay dhawaan
la wareegi doonto gacan ku
heynta deegaano badan oo
hadda gacanta ugu jira
xoogagga Al-shabaab, waxaana
uu ka gaabsaday inuu
sharaxaad ka bixiyo qaabka
ay dowladdu ula wareegayso
deegaanada gaacanta ugu jira
ururka Al-shabaab.
Mudugnet.com Xafiiska
Wararka Magaalada Muqdisho
Faallo:
Yuusufeey
ayaa
noqday Shaqsigii ugu horeyay
ee Kooxda Alshabaab
Howlgalkoodii ka bilabeen
iyagoo ka soo eryay Marka
hubkiina ka dhigay, iyagoo
weli ku sii raad jooga waxaa
u baxay Adeerkiis Xasan
Daahir Aweysow oo ka reebay
Shabaabkii hubkiina uga soo
celiyay.
Waxaa la yaab leh wixii
Dowladdu Afhayeeno laheyd
Ciidanku Afhayeeno lahaa
waxaa maalin kasta ka
qeylisiiyo Yuusufeey, Aaway
Kaalmooy, Qeeyloow, Ceeymoow
iyo Cabdi Xaaji Goobdoon.
Waase yaabee Yuusufeey ma
xishoodo miyaa markii
todobaad kasta uu Saxaafadda
u sheego Dowladdu waddanka
maalmo gudaheed ayay kula
wareegeysaa, Haddana wax
talaabo ah aan la qaadin,
ilaa isaga lagu weeraro
Xaafadaha fara ku tiriska ee
Dowladda ayaanka darani ka
arimiso.
Yuusufeey hadaan talo siiyo
waxaan oran lahaa weli
Sharaf ayaad agteena ka
leedahayee ha noqon sidii
doqonka Yuusuf Garaad ee
Tolka aad tihiin ee Xalaal
iyo Xaaraam wuxuu doono
Sheego Xishoodkiyo
istaxyaduna ka luntay welina
la isha daran Kaneecadii
Guriceel ku soo cuntay.