Axmed Madoobe oo ku hanjabay
dagaal iyo qaraxyo ka dhan ah
Xarakada Al Shabaab ee ku sugan
magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Axad, 28ka Feberaayo, 2010.
Hogaamiyaha dagaalyahanada
Jubbooyinka Sheekh Axmed madoobe
ayaa ku goodiyay in uu sare u
qaadayo dagaalada ka dhanka ah
Al Shabaab xilli Al Shabaab ay
la wareegeen magaalooyin waaweyn
oo dhaca gobalka Jubbada Hoosem
Madoobe wuxuu hadda samaynayaa
qaraxyo iyo dilal shabaab ka
dhan ah.
Axmed Madoobe ayaa sheegay
in wixii hadda ka dambeeya
ay xoojinayaan dagaalka ay
kula jiraan ururka Al-shabaab,
isagoona sheegay in ururka
Xizbul islaam dagaalka aanu
qarinaynin sida uu hadalka u
dhigay.
Shiikh Axmed Madoobe ayaa
sheegay in mas'uuliyiinta
Al-shabaab ay ku ugaarsan
doonaan meel walba oo ay
dalka ka joogaan, waxaana uu
xusay inay la gali doonaan
dagaal dhinac walba leh.
"Ragaas iyaga ah
saraakiishooda Muqdisho
ayaan ku dili doonaa, ku
qarxi doonaa, dagaal dhinac
walba leh ayaana la gali
doonaa" ayuu yiri Shiikh
Axmed Maxamed Islaam Axmed
Madoobe oo kamid ah
mas'uuliyiinta ururka Xizbul
Islaam.
Dhinaca kalena wuxuu ka
hadlay meydka nin ay shalay
ciidamada ururka Al-shabaab
ku gowraceen deegaanka Diif,
waxaana uu sheegay in
ninkaasi ahaa nin ganacsade
ah islamarkaana dilkiisa ay
doonayeen inay ku cabsi
galiyaan shacabka.
Mudugnet.com Xafiiska
Wararka Magaalada Muqdisho