Ganacsatadda Soomaalida Kenya
iyo Xidhibaano Soomaali ah oo ku
shiray magaalada Nairobi.
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
Ganaacsatadda Soomaalida
Xaafadda Eastleight ee magaalada
Nairobi iyo xildhibaano soomaali
ah oo ku jira baarlamanka
wadanka Kenya ayaa maanta kulan
ku yeeshay magaalada
Nairobi,iyadoo kulankaasi looga
hadlay sidii wax looga qaban
lahaa dhibaatooyin ganacsatadda
soomaalida uga imaanaaya
Booliska iyo Dowladda Kenya.
Xildhibaan
Maxamed Macalin oo ah mudane ka
tirsan baarlamanka Kenya oo ka
hadlay kulankii maanta ayaa
sheegay in diirada lagu saaray
kulankaasi dhibaatooyinka ay ka
cabanayaan ganaacsatadda
soomaalida iyo sidii is kaashi
iyo wada shaqeyn ay u yeelan
lahaayeen labada dhinac.
Xildhibaan
Maxamed ayaa tilmaamay in ay xaq
u leeyihiin dadka soomaalida ah
iney ka ganaacsatadaan dalka
sida dadka kale ee wadanka ku
nool,balse loo baahan yahay in
nidaamka sharciga wax kasta loo
maro oo la joojiyo lacagaha
laaluushka oo ay bixiyaan dadka
soomaalida ah.
Xildhibaanka ayaa u sheegay
ganacaasatadda soomaalida in ay
soo qoraan cabashooyinkooda si
ay gudbiyaan dowladda iyo
hay’adaha amaanka isla markaana
sida ugu dhaqsiyaha badan wax
looga qaban doono.
Kulanka
maanta dhex maray xildhibaanada
iyo ganaacsatadda soomaalida
ayaa ku soo beegmay xili ay sii
kordhayaan cadaadiska iyo
handadaada Booliska Kenya ay ku
haayaan dadka soomaalida ah ee
ku nool magaalada Nairobi tan
iyo markii uu dhacay banaanbixii
rabshadaha watay ee looga soo
horjeeday go’aanka ay dowladda
Kenya dalkeeda uga masaafurisay
wadaad Muslim ah.