Ciidamo
katirsan Ururka Xisbul Islaam oo
la sheegay in ay iskusoo
dhiibeen dowladda KMG Somalia
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
Dowladda
KMG Somalia ayaa maanta soo
bandhigtay ciidamo katirsanaa
Xisbul islaam oo la sheegay in
ay fariisimo ku lahaayeen
degmada H/wadaag magaalada
Muqdisho oo kamid ah meelaha ay
Islaamiyiinta maamulaan.
Guddoomiyaha degmada Wadajir
Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci oo
la hadlay warbaahinta ayaa
sheegay inay isku soo dhiibeen
6-kamid ah dhalinyaro ka
tirsanaa ururka Xizbul Islaam.
Axmed Daaci ayaa sheegay in
dhalinyaradaan ay isku soo
dhiibeen ciidamadooda ku sugan
deegaanka Kax Shiiqaal, isagoona
sheegay in si iskood ah ay isku
soo dhiibeen oo aan lagu qaban
dagaal.
"Dhalinyarada aad aragtaan oo
katirsanaa ururka Xizul Islaam
waxay isku soo dhiibeen
ciidamada Dowladda KMG ah ee
maamulka degmada Wadajir markii
ay u adkaysan waayeen dhibaatada
lagu hayo shacabka" ayuu yiri
Axmed Xasan Cadow Axmed Daaci
guddoomiyaha degmada Wadajir.
Gudoomiyaha degmada Wadajir ee
maamulka Gobolka Banaadir ayaa u
mahad celiyey dhalinyarada isku
soo dhiibay maamulkiisa,
isagoona sheegay inaan la
dhibaataysan doonin islamarkaana
aan loo raacan doonin
qaladaadkii ay horay u galeen.