Qarax ay ku dhinteen Ciidanka dowlada KMG Somalia oo Muqdisho ka dhacay.


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
 

Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad u xoogan oo shalay ciidamo katirsan Dowlda KMG ah ee Somalia lagula beegsaday degmada Shibis magaalada Muqdisho oo kamid ah meelaha ay isku hor fadhiyaan ciidanka Dowladda KMG ah iyo xoogaga kasoo horjeedo.

Qarax oo ahaa mid aad u xoogan ayaa ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo degmada Shibis oo ah meel cidlo ah oo ay horay uga Barakeceen shacabkii deganaa sababa laxariira dagaalada joogtada ah ee halkaasi ka dhaca.

Saraakiil katirsan Dowlada KMG Somalia ayaa sheegay in khasaaraha dhimashada ciidankooda uu gaaray 6 Askari iyo dhaawacyo soo gaaray ilaa iyo 4 Askari oo ka mid ahaa Askartii miinadu ku haleeshay wadada.

Ururka Al-shabaab oo kamid ah dhinacyada hubaysan ee sida weyn uga horjeeda dowladda KMG ah iyo joogitaanka ciidamada AMISOM ayaa sheegtay mas'iuuliyadda qaraxa lagu dilay 6-kamid ah ciidamada dowladda KMG ah.