Warar
sheegaya in Xilkii Afhayeenimo
laga qaaday Sheekh Maxamed
Macalin Afhayeenkii Xisbul
Islaam kadib khilaaf soo kala
dhaxgalay kooxaha Islaamiyiinta
ah.
MudugNet, Muqdisho, arbaco, 24ka Feberaayo, 2010.
kadib
khilaafaadyo xoogan oo soo kala
dhaxgalay Al Shabaab iyo Ururka
Xisbul islaam ayay socdaan
kulamo ladoonayo in lagu baajiyo
dagaal ka dhaca deegaanada ay
magaalada Muqdisho ka maamulaan
xoogagaasi dowlada KMG ah
ladagaashan.
Warar aan
la xaqiijin oo la isla dhex
marayo ayaa sheegaya in hogaanka
sare ee ururka Xizbul Islaam ay
go'aansadeen inay xilka ka
qaadaan xoghayaha warfaafinta
ururka Xizbul islaam Shiikh
Maxamed Macalin Cali.
Warkaan oo aan weli si rasmi ah
u soo shaac bixin ayaa tibaaxaya
in kulamo xiriir ah oo xalay
illaa shalay ay lahaayeen
hogaanka sare ee ururka Xizbul
Islaam lagu go'aamiyey in xilka
laga qaado xoghayaha warfaafinta
ururka Xizbul Islaam.