Dadka ku
dhaqan deegaanka Lafoole oo
dhigay Mudaaharaad ay ku
codsanayaan Biyo iyo Gargaar
Beni aadanimo.
MudugNet, Muqdisho, arbaco, 24ka Feberaayo, 2010.
Barakacayaasha ku dhaqan
deegaanka Lafoole ayaa maanta
halkaas ka sameeyey banaanbax
balaaran oo ay uga cabanayaan
daruufo dhinaca nolosha ah oo
halkaas ku heysta.
Banaanbaxayaasha oo u badnaa
haween iyo caruur ayaa ka
cabanaya biyo la'aan xooggan oo
ku heysata deegaanka Lafoole,
waxaana banaanbaxayaashu ay ku
dhawaaqayeen erayo ay ku
muujinayeen sida ay uga xun
yihiin biyo la'aanta heysata.
"Biyo la'aan dooni mayno, waa in
gargaar nalala soo gaaraa" ayey
ku dhawaaqayeen banaanbaxayaasha
oo socod ku soo maray deegaanka
Lafoole oo ku yaala inta u
dhexeysa magaalooyinka Muqdisho
iyo Afgooye.
Dadka banaanbaxa dhigayey ayaa
ka codsaday shacabka
Soomaaliyeed iyo hay'adaha
Samafalka inay gacan ka geystaan
sidii ay u heli lahaayeen biyo,
iyagoona sheegay in horay looga
gooyey biyihi ay cabi jireen.