Xisbul islaam oo Beeniyay in ay wax ka ogyihiin qaraxyadii dhawaan ka dhacay wadada 30-ka magaalada Muqdisho


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Ururka Xisbul islaam ayaa waxkama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay in Xisbigu ay ka dambeeyeen qaraxyo waaweyn oo maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanada ay Muqdisho ka maamulaan xoogaga hubaysan.

Xoghayaha warfaafinta ururka Xizbul islaam Shiikh Maxamed Macalin Cali oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu ku beeniyey in ururkoodu uu ka dambeeyey qarixii kadhacay wadada 30-ka ee magaalada Muqdisho.

Shiikh Maxamed Macalin Cali ayaa sheegay in ururka Xizbul Islaam aanu doonayn inuu dhibaato ka abuuro dalka, isagoona meesha ka saaray wararka sheegaya inay lahaayeen mas'uuliyadda qaraxyo kadhacay suuqa Bakaaraha.

"Waxaan warbaahinta ka maqalnay iyadoo nalagu eedaynayo qaraxyo kadhacay Suuqa Bakaaraha, waxaan rabaa inaan cadeeyo in ururka Xizbul Islaam aanu arrimahaas mas'uul ka aheyn" ayuu yiri Shiikh Maxamed Macalin Cali.

Xoghayaha warfaafinta ururka Xizbul Islaam isagoo sii hadlaya wuxuu yiri, "Hadafka koowaad ee Ururka Xizbul Islaam wuxuu yahay in nabad iyo kala dambeyn ka dhalata dalka, ururkuna qeyb kama ahan dhibaatada dalka kajirta".

Wuxuu beeniyey inay jirto xiisad ka dhex aloosan ururada Xizbul Islaam iyo Al-shabab, isagoona sheegay in labada urur ay ka midaysan yihiin dagaalada lagula jiro dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.