Shaqaalaha
caafimaadka Xeryaha Qaxootiga
IFO iyo Xagar-dheer ee dalka
Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin
ay kaga cabanayaan dhaqaale xumo
soo wajahday ka dib markii
madaxda sare ee caafimaadka ee
ka shaqeeya Xeryahaasi ay ka
dhaga fureesteen
cabashooyinkooda.
Qaar ka
mid ah shaqaalaha caafimaadka ee
shaqo joojinta sameeyay ayaa
warbaabinta u sheegay in
sababaha shaqa joojinta ay u
sameeyeen ay ugu horeyso
mushaarooda oo aad u yar iyo
tixgalin la’aan ay kala kulmeen
saraakiisha sare ee ka shaqeeya
Xeryaha Xaqootiga ee Kenya.
Shaqaalaha
caafimaadka ayaa tilmaamay in
Mushaarkooda uu ka hooseeyo $100
Doolar qofkiiba taasoo aan
dabooli Karin baahidooda
dhaqaale shaqaalaha iyo
qoyskooda.
Shaqo
joojinta shaqaalaha caafimaadka
Xeryaha Qaxootiga oo soo
bilaabatay labo isbuuc ka hor
waxa ay saameen ku yeelatay
adeega caafimaad dadka qaxootiga
ee ku nool IFO iyo Xagar-dheer
sida ay ku cowdeen qaar ka mid
ah qaxootiga ah ee ku nool
Xeryahaasi.
Xeryaha
Qaxootiga Kenya waxaa dhawaan
booqday saraakiil sare oo ka
tirsan hay’adaha samafalka iyo
safiirka Soomaaliya ee Kenya
kuwaasi oo balan qaaday iney wax
ka qaban doonaan dhibaatooyinka
Nolosha ee ka jira Xeryaha
Qaxootiga.