Raii’sulwasaaraha Kenya oo qiray in khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro Dowlada Wadaaga ah.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Raii’sulwasaaraha dalka Kenya Reylo Odenga ayaa qiray in Khilaaf siyaasadeed uu ka dhex jiro madaxda sare Dowlada Wadaaga ah ee Kenya balse xal loo heli,isagoo hadalkan sheegay ka dib markii uu maanta ka soo laabtay booqosho uu ku tagay dalka Japan.

Mr Odenge ayaa sheegay in xal loo heli doono ismari waaga siyaasadeed ee madxda dowlada ka dib marka ay kulmaan isaga iyo Madaxweyne kibaabi maalmaha soo socda.

Waxa uu yiri waxaan rajeynayaa in talaabo adag oo Xaga sharciga ah laga qaado wasiirada shaqada laga fariisay oo ku edeysan Musuqmaasuq lunshada maaliin doolar.

Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxweynaha iyo raii’sulwasaaraha Kenya ayaa yimid ka dib markii raiisulwasaaraha shaqada ka eryay wasiiro ka tirsan dowlada,iyadoo talaabadaasi uu ku gacansayray madaxweynaha.

Mudugnet-Nairobi.

Abdukadir Ahmed Olad