Gaadiidlayda magaalada Muqdisho
ayaa cabasho ka muujinaya qiima
kac xoogan oo ay ganacsatadu ku
samaysay alaabaha baabuurta iyo
awaamir ay kusoo rogeen kooxaha
islaamiyiinta ee maamulo qaybo
muqdisho katirsan
Darawalada
gaadiidka ayaa ka codsaday Al-shabaab
in ay kala hadlaan ganacsatada
ka beyac Mushtara Muraayadaha
gaadiidka si qiima dhimis lagu
sameeyo qiimaha laka siisto
qalabkaasi.
Qaar kamid ah darawadalan oo la
hadlay Warbaahinta ayaa sheegay
in ay aad ugu baahan yihiin in
la dhimo qiimaha lakala siisto
Muraayadaha gaadiidka oo hada
aad qaali u ah.
Al-shabaab ayaa dhowaan soo
saartay awaamir la xiriirta in
darawalada gaadiidka ay
badalayaan Miraayadaha aan
furmin ee ku xiran dhinacyada
gaadiidka si ay dadka rakaabka
ah nafis u helaan Waxaana
xiligaasi wixii ka dambeeyay ay
darawalada sheegeen in
ganacsatada iibisa Muraayadaha
ay qiimaha kordhiyeen..