Ciidamada
Ethiopia ayaa xabsiga magaalada
Jigjiga U taxaabay 2 Xildhibaan
oo ka tirsan baarlamanka dowlada
KMG soomaaliya iyo sarkaal ka
tirsan Ciidamada dowlada kuwaasi
oo bishii aan soo dhaafnay lagu
qabtay magaalada jigjiga ee
dhulka ismaamulka soomaalida
Ethiopia.
Xildhibaan
C/raxmaan Maxamuud Cali oo ka
tirsan baarlamanka soomaaliya
ayaa saxaafadda u sheegay in 2
xildhibaan iyo sarkaal ka tirsan
Ciidamada dowlada oo ka soo
jeeda Gobolka Hiiraan isla
markaana in mudo ah warkooda la
wayay ay Ogaadeen in ay ku xiran
yihiin Xabsiga magaalada Jigjiga.
Xildhibaan
C/raxmaan ayaa sheegay in
xildhibaanada iyo sarkaal ku
xiran Jigjiga howlo shaqo ay u
joogeen gobolka Hiiraan xiligii
gobolka ay ku dagaalamayeen
Ururka Shabaab iyo ciidamada
dowladda Soomaaliya.
Xildhibaan
C/raxmaan Maxamuud Cali ayaa ku
tilaamay xariga Xildhibaanad mid
sharci dari oo wax u dhimaaya
xiriirka labada dal,isagoo ugu
baaqay dowlada Ethiopia in si
deg deg u sii dayso
xildhibaanadda iyo sarkaalka
dowlada.
Xildhibaan
C/raxmaan ayaa ugu dambeyntii
sheegay in xariga xildhibaanda
iyo sarkaalka dowlada ay ku
wargaliyeen Gudoomiyaha
baarlamanka iyo Madaxweynaha wax
ayna balan qaadeen in sida ugu
dhaqsiyaha badan ay kala hadli
doonaan Dowlada Ethiopia.
Gudoomiye
kuxigeenka baarlamanka prof.
Maxamed Cumar Dalxa oo ku sugan
magaalada Nairobi ee dalka Kenya
ayaa cambaareeyay xariga
xildhibaanada isagoo ugu baaqay
dowlada Ethiopia in ay dhawrto
sharafta ay leeyihiin
xildhibaanada Soomaaliyeed sida
ay u ilaaliyo sharafta
Xildhibaanadda Ethiopia.
Sidoo kale
prof Dalxa wuxuu ugu baaqay
xildhibaanadda Soomaaliya in ay
faraha kala baxaan howlaha
abaabulka ciidamada gobolada
dalka oo howshaasi loo daayo
hay’adaha amaanka Dowlada.