Booliska Yemen oo Xabsiga u taxaabay Soomaali badan oo Qaxooti ah.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Ciidamada Booliska dalka Yemen ayaa xabsiga u taxaabay in ka badan 50 Muhaajireen soomaali ah oo si sharci daro ah ku galay dalka Yemen.

Xuseen Xaaji Amed oo ka tirsan Safaaradda Soomaalida ee Yemen ayaa saxaafadda u sheegay in howlgalka ciidamada Yemen ay ku qabqabteen dadka soomaalida ah uu yahay mid dowlada Yeman ay ku qaxiijineyso Amaanka iyo xasiloonida dalka.

Xuseen xaaji Axmed ayaa tilmaamay in Dowlada Yemen aad u adkeysay dhaqadhaqaaqa Xeebaha Wadankaasi oo lagu Rakibay Qalab lagu Ogaanaayo Doomaha dadka sida sharci darada ah dadka u soo galiya Yemen,isla markaana doonaya in ay u gudbaan Wadamada dariska la ah Yemen sida Sacuudiga.

Xuseen Xaaji ayaa xusay in talaabadan ay qaadeen ciidamada Yamen ay ka dambaysay hanjabaadii dhawaan ka soo yeertay Ururka Shabaab oo ku dhawaaqay iney taageero milatari siin doonaan islaamiyiinta dagaalka kula Jira Dowlada Yemen oo lala xiriiro iney xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaedah.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha Yemen ayaa cambaareeyay qabqabashada Qaxootiga soomaalida ee ku nool Yemen,iyagoo ku tilmaamay mid xadguxub ku ah Xeerarka caalamiga ah Xuquuqda dadka Magangalyo doonka ah oo sababo amaan uga soo cararay wadankooda.

Ururada Xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in dowlada ay xaq u leedahay Sugida Amaankeeda balse in loo baahan yahay in la kala saaro siyaasada iyo bani’aadannimada,wax ayna Dowlada Yemen ugu baaqay in Xabsiga laga sii daayo dadka aan dambiga lahayn.

Mudugnet-Nairobi.

Abdukadir Ahmed Olad