Diyaarado Joog Hoose ku duulaya oo walaac ku beeray shacabka magaalada Marka Shabeelaha Hoose.


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 6da Feberaayo, 2010.


Shacabka ku dhaqan magaalada Marka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa walaac balaaran ka muujinaya diyaarado Joog hoose ku duulaya oo qal qal ku abuuray Noloshooda kadib markii ay diyuuradahaasi magaalada ku dul duuleen.

Nuuca Diyaarada ayaa waxaa ay dadka Deegaanka ugu sheegeen in ay u egtahay Diyaarad Helicoptar ah, waxaa ay dadku intaas kudarayaan in Diyaaradaasi ay kas oo kacday Markab dagaal oo kusugan biyaha Somalia, gaar ahaan Maraakiibta ladagaalanta kooxaha Burcad Badeedka Soomaliya ee kaqowleesta biyaha dariska ah la ah kuwa Somalia.

Magaalada Marka ayaa ka mid ah magaalooyinka ay gacanta ku hayaan Dhinacyada ka soo horjeeda dowlada KMG Soomaliya, waxaana Meel udhow Magaaladaasi Horay loogu Dilay saraakiil sare oo ka tirsan Argagixisada Al-Qacida kadib markii Diyaarado ay leedahay xukumada Mareykanka ay Duqeysay.

Diyuuradahan oo Guuxoodu aad u sareeyo ayaa walbahaar ku abuuray Haweenka,Carruurta iyo dadka waayeelada ah oo ka cabsi qaba in diyaaradahaasi ay duqaymo ka gaystaan magaalada.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho.