Golaha
Wasiiradda Dowladda KMG oo
maanta Kulan xasaasi ah ku
yeeshay Magaalada Muqdisho 3
cisho ka dib qaraxii Hotel MUNA.
Golaha wasiiradda Dowladda
ee soomaaliya ayaa maanta
yeeshay kulan xasaasi ah oo
looga hadlaayay Amaanka 3 cisho
ka dib weerarkii Hotel MUNA oo
ay ku geeriyoodeen in ka badan
30 qof oo 4 ka mid ah ahaayeen
Xildhibaano ka tirsan Dowladda
Soomaaliya.
Ra'iisulwasaare Cumar C/rashiid
Sharmaarke oo gudoominaayay
Shirka Golaha wasiirada ayaa
sheegay in lagama maarmaan tahay
sidii wax looga qaban lahaa
sugida amaanka Xildhibaanadda
iyo saraakiisha dowladda KMG si
aysan u dhicin weerarkii Hotel
MUNA oo kale.
Cabdi Xaai Goob Doon oo ah
Afhayeenka Xukuumadda ayaa
shirka Golaha wasiirada ka dib
saxaafadda u sheegay in shirka
warbixin looga dhageestay
wasiirka Amniga Dowladda KMG C/salaan
xaaji Aden oo ku saabsan wax ka
qabashada xaalada amaanka
magaalada muqdisho.
Kulanka Golaha wasiiraddaoo ahaa
mid xasaasi ah isla markaana
saacado badan socday ayaa
ra'iisuwasaaraha Sharmaarke
magacaabay Gudi si deg deg ah
uga soo tala bixiya bixiya
Amaanka kuwaasoo la tashi la
samayn doono saraakiisha
Ciidamada iyo taliyaasha.
Shirka golaha wasiiradda maanta
ay ku yeesheen muqdisho ayaa
yimid 3 cisho ka dib weerarkii
ismiidaaminta ahaa ee lagu
laayay in ka badan 30 ruux oo 4
ka mid ah ahaayeen mudanayaal ka
tirsan baarlamanka soomaaliya,
iyadoo tan iyo markii
weerarkaasi dhacay Dowladda KMG
bilowday kulamo iyo wadatashiyo
ku saabsan ilaalinta Amaanka
mas'uuliyiinta saraakiisha
Dowladda.
Shacabka
Degmooyinka Lagu dagaalmay oo
bilaabay iney ka qaxaan
Guryahooda.
Wadoooyinka iyo Goobaha laga
raaco gaadiidka dadweynaha ee
magaalada muqdisho waxaa saakay
lagu arkayay dad ka soo qaxay
degmooyinka ay dagaalada ka
socdaan ee magaalada Muqdisho
kuwaasoo ku siida Duleedka
magaalada si ay uga badbaadaan
xabada iyo madaafiicda sida
Arxan la'aanta ah lagu garaacayo
goobaha rayidka ah.
Degaanadda sida weyn looga
barakacaayo waxaa ka mid ah
Degmooyinka Wardhiiglay,Hodon,H/Wdaag
iyo Degmooyinka waqooyi ee
magaalada Muqdisho kuwaas oo si
xoog leh u saameeyeen dagaaladda
maalinta 4aad ka socda
caasimadda ku dhex maraaya
Ciidamada dowladda oo taageero
ka helaaya Ciidamada AMISOM iyo
xoogaga islaamiyiinta ee ka soo
hrojeeda.
Dadka barakacaaya ayaa u
suurtagashay saakay iney ka soo
baxaan guyahooda ka dib 3
maalmood oo dagaalo aad u culus
ay socdeen.
Dagaalada ka socda magaalada
muqdisho dhibaatadda ugu badan
waxa ay soo gaartay dadka
shacabka ee aan waxba
galabsan,iyadoo ay soo baxayaan
baaqyo lagu dalbanaayo in la
joojiyo dagaalka.
Iska
horimaadyo Ciidamada dowladda
iyo xoogaga Hubaysan xalay ku
dhexmaray Degmada waaberi iyo
Ex-Control Afgooye.
Saqdii dhex ee xalay waxaa
dagaalo aad u culus Ciidamada
dowladda KMG iyo Xoogaga ka soo
horjeeda ku dhexmaray Degmada
Ex-Control Afgooye iyo degmada
Waaberi, iyadoo dagaaladaasi ay
sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiisha Ciidamadda ee
fariisinka ku leh Ex-Control
Afgoye ayaa intey iska caabiyeen
kooxihii soo weeraray isla
markaana ay qaar ka mid ah
dileen.
Saakay waxaa Ex-control Afgooye
lagu arkayay Meydka 2 ruux oo la
sheegay iney ka mid ahaayeen
ragii weerarka ku soo qaaday
Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale waxaa iska horimaad
ku dhexmaray ciidamada dowladda
iyo Xoogaga ka soo horjeeda
degmada Waaberi, Ciidamada
dowladda KMG ay saxaafadda u soo
bandhigeen meydka Nin ay ku
sheegeen inuu ka tirsanaa
Kooxihii soo weeraray.
Weerarada xalay ka dhacay
muqdisho waxa ay qalqal cabsi
galiyeen shacabka oo ka baqa
Madaafiicda xiligii habeenkii
ah.
Dagaalo
iyo Duqeyn maalintii 4aad ka
socda magaalada Muqdisho ee
caasimadda Soomaaliya.
Iska horimaadyo hubaysan iyo
duqeynta Madaafiicda ayaa
maalintii 4aad waxa ay ka
socdaan Degmooyin ka tirsan
Gobolka banaadir,iyadoo
dagaalada maanta Xoogooda ay ka
dhaceen degmooyinka Hodon,H/wadaag
iyo wardhiiley.
5 ayaa ku geeriyootay 12 kalena
waa ku dhaawameen dagaalada
maanta oo ka qabow dagaaladii
3aad ee cisho la soo dhaafay ka
dhacayay magaalada Muqdisho.
Iska horimaad ayaa ciidamadda
Dowladda iyo Xoogaga mucaaradka
ku dhex maray xaafado ka tirsan
Degooyinka Hodon iyo H/wadaag,iyadoo
tiro badan oo madaafiic ah ay ku
dhaceen suuqa bakaaraha oo
maalintii 3aad hakad ku yimid
Howlihii ganaacsiga suuqaasi.
Waxa sidoo kale Xiran wadooyinka
soo gala dhamaan Suuqa bakaaraha
ee dhinaca wadada Makka
Almukaramah, xili dad oo badan
oo doonaya adeega Ciida soonfur
aysan u suurta galin iney
gaaraan suuqa.
Sidoo kale Degmooyinka waqooyi
ee Magaalada Muqdisho ayaa laga
soo sheegayaa inuu ka jiro
dagaalo aad xoog lahayn marka
loo eego maalmihii la
dhaafay,waxaana dadka degaanka
ka qaxayaan guryahooda si ay uga
nabadgalayaan Madaafiicda iyo
dagaalada.
Tiradda dadka ku dhintay
dagaalada maalintii 4aad ka
socda caasimadda soomaaliya ee
muqdisho ayaa lagu sheegay 105
ruux halka dhaawaca ka badan
yahay 200 oo dhamaantood ah dad
rayid ah,iyadoo aan si dhab ah
loo ogayn qasdaaraha kala gaaray
dhinacyadda dagaalamaya.
Dowladda
KMG oo warsaxaafadeed ka soo
saartay dagaalada ka dhacaya
magaalada Muqdisho.
Dowladda KMG ayaa maanta soo
saartay warsaxaafeed ay uga
hadashay dagaalada maalintii
4aad ka socada magaalada
muqdisho kaasoo dhaxeeya
Ciidamada dowladda oo taageero
ka heliya Ciidamada AMISOM iyo
Xoogaga islaamiyiinta.
Warsaxaafadeedkan soo baxay
xafiiska wasiirka warfaafinta
ayaa lagu sheegay in Ciidamada
Dowladda
KMG iyo Kuwa AMISOM ay dileen 25
ka tirsan Xoogaga islaamiyiinta
oo ay ku jiraan saraakiil
sare,isla markaana ay dhaawaceen
70 kale.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale
lagu sheegay in kooxaha ku soo
duuly fariisimadda Dowladda iyo
kuwa AMISOM ay la kulmeen Guul
daro,isla markaana Dowladda KMG
ay sii wadi doonto dagaalka ay
kula Jirto xoogaga ka soo
horjeeda.
saraakiisha Ciidamadda ee
fariisinka ku leh Ex-Control
Afgoye ayaa iney iska caabiyeen
kooxihii soo weeraray isla
markaana ay qaar ka mid ah
dileen.
saakay waxaa Ex-control Afgooye
lagu arkay Meydka 2 ruux oo la
sheegay iney ka mid ahaayeen
ragii weerarka ku soo qaaday
Ciidamada Dowladda.
Sidoo kale waxaa iska horimaad
ku dhexmaray ciidamada dowladda
iyo Xoogaga ka soo horjeeda
degmada Waaberi, Ciidamada
dowladda KMG ay saxaafadda u soo
bandhigeen meydka Nin ay ku
sheegeen inuu ka tirsanaa
Kooxihii soo weeraray.
Weerarada xalay ka dhacay
Muqdisho waxa ay qalqal cabsi
galiyeen shacabka oo ka baqay
Madaafiicda xiligii habeenkii
ah.