Qaramadda Midoobay, Mareykanka
iyo Dowladda Britian oo
Cambaareeyay Qaraxii shalay lagu
laayay Xildhibaano ka tirsan
baarlamanka soomaaliya.
Golaha amaanka ee Qaramada
Midoobay ayaa Cambaareeyay
werarkii maalintii shalay
Xarakadda al Shabaab ay laayeen
Xildhibaano ka tirsan
baarlamanka soomaaliya iyo
saraakiil ka tirsan Dowladda KMG
oo deganaa Hote MUNA oo ku yaala
Degmada X/weyne.
Madaxa golaha amaanka ee qarmada
Midoobay ahna safiirka Qaramada
midoobay u jooga dowladda
Ruushka, Vitalychurki, ayaa wax
laga xumaado ku tilmamay falkii
foosha xumaa ee lagu weeraray
Hotelkii ay ku jireen
Xildhibaanadda Dowladda waxaana
uu Tacsi tiiraanyo leh u diray
dowladda KMG Soomaaliya iyo
dhamaan shacabka Soomaalliyeed
ee eheladooda ku waayay
weerarkii ka dhacay Hotel MUNA
ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi
Cambaareeyay Xukuumadda
Washington John Bernan oo ah la
tiliyaha ugu sareeya ee Maamulka
Madaxweyne Ubama u qaabilsan
dhinaca howlaha wax looga yeero
argigixisada ayaa sheegay inay
si aad ah uga xunyihin weerarkii
is qarxinta ee loo gaystay
Hotelka MUNA ee magaalad
Muqdisho halkaasi oo ay ku
nafwaayeen dad farabadan oo
isugu jiray Mas’uuliyiin ka
tirsan dowladda KMG iyo dad
rayid ah, waxaana uu sheegay in
weerarkaasi ay fuliyeen Uruka Al
qaacid xubnahooda jooga
Soomaaliya.
"Waxaan aad ugu xunahay weerarka
arxan darada ah ee Ururka al
Shabaab ay u gaysteen dadka
rayidka ah iyo Mas’uuliyiinta
dowladda xili lagu guda jiro bil
Muslimiinta si aad ah ugu wayn
oo ah bisha Ramaadaan, waxaana
dhaleecaynaynaa falkaasi arxan
darada ah ee ay fuliyeen
Kooxdaasi" sidaasi ayuu yiri
John Bernan.
Mr. John Bernan ayaa sheegay in
dowladda Maraykanka ay ka
go’antahay sidii ay ugu shaqeen
laheeyd in ay garab istaagto
shacabka Soomaalida iyo dowladda
KMG ee Soomaaliya islamrakaan ay
sii wadi doonaan dadaalada la
doonayo in dib looga soo celiyo
nabada, kala dambeenta iyo
xasiloonida Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Weerarkii ka
dhacay Hotel MUNA Cambaareeyay
Dowladda Britian.
Wasiirka arimaha Qaarada Afrika
u qaabilsan dowladda Britian
Henry Pillingham ayaa wax laga
xumaado ku tilmaamay Qaraxyadii
iyo weerarkii shalay ay ku
geeriyoodeen masuuliyiin ka
tirsan dowladda kMG Soomaaliya
iyo dad rayid ah ee ka dhacay
Hoteelka MUNA ee Magaalada
Muqdisho xili ay dadkaasi ku
guda jireen gudashada bisha
Barakeysan ee Ramadaan, isagoo
tacsi u direy dhamaan
masuuliyiinta sar sare ee
dowladda iyo ehalada dadkii ku
waxyeeloobay weerarkaasi.
"Dowladd Britian si kulul ayay u
cambaareyneysa ugana soo
horjeedaa weerarkii shalay oo
geystay dad aan waxba galabsan,
dadkaasoo isagu jiray xubno ka
tirsan Barlamanka, Saraakiil ka
tirsan dowadda TFG-da iyo dad
aan waxba galabsan oo ahaa
muwaadiniin Soomaaliyeed,
Waxaana noo cad in kuwii geystay
falkaasi aysan ka shaqeyneyn
inay ka talineyn maslaxada iyo
nabda Soomaaliyeed" ayuu yiri
Henry Pillingham.
Cambaareynta Beesha caalamka
ayaa timid maalin ka dib
weerarkii ka dhacay Hotel ku
yalaa magaalada Muqdisho oo lagu
dilay Xildhibaano ka tirsan
Dowladda Soomaaliya,iyadoo
Mas'uuliyadda weerarkaasi ay
sheegteen Xarakadda Alshebab.
Qaramadda
Midoobay,Mareykanka iyo Dowladda
Britian oo Cambaareeyay Qaraxii
shalay lagu laayay Xildhibaano
ka tirsan baarlamanka soomaaliya.
Golaha amaanka ee Qaramada
Midoobay ayaa Cambaareeyay
werarkii maalintii shalay
Xarakadda al Shabaab ay laayeen
Xildhibaano ka tirsan
baarlamanka soomaaliya iyo
saraakiil ka tirsan Dowladda KMG
oo deganaa Hote MUNA oo ku yaala
Degmada X/weyne.
Madaxa golaha amaanka ee qarmada
Midooay ahna safiirka Qaramada
midoobay u jooga dowladda
Ruushka, Vitalychurki, ayaa wax
laga xumaado ku tilmamay falkii
foosha xumaa ee lagu weeraray
Hotelkii ay ku jireen
Xildhibaanadda Dowladda waxaana
uu Tacsi tiiraanyo leh u diray
dowladda KMG Soomaaliya iyo
dhamaan shacabka Soomaalliyeed
ee eheladooda ku waayay
weerarkii ka dhacay Hotel MUNA
ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaa weerarkaasi
Cambaareeyay Xukuumadda
Washington John Bernan oo ah la
tiliyaha ugu sareeya ee Maamulka
Madaxweyne Ubama u qaabilsan
dhinaca howlaha wax looga yeero
argigixisada ayaa sheegay inay
si aad ah uga xunyihin weerarkii
is qarxinta ee loo gaystay
Hotelka MUNA ee magaalad
Muqdisho halkaasi oo ay ku
nafwaayeen dad farabadan oo
isugu jiray Mas’uuliyiin ka
tirsan dowladda KMG iyo dad
rayid ah, waxaana uu sheegay in
weerarkaasi ay fuliyeen Uruka Al
qaacid xubnahooda jooga
Soomaaliya.
"Waxaan aad ugu xunahay weerarka
arxan darada ah ee Ururka al
Shabaab ay u gaysteen dadka
rayidka ah iyo Mas’uuliyiinta
dowladda xili lagu guda jiro bil
Muslimiinta si aad ah ugu wayn
oo ah bisha Ramaadaan, waxaana
dhaleecaynaynaa falkaasi arxan
darada ah ee ay fuliyeen
Kooxdaasi" sidaasi ayuu yiri
John Bernan.
Mr. John Bernan ayaa sheegay in
dowladda Maraykanka ay ka
go’antahay sidii ay ugu shaqeen
laheeyd in ay garab istaagto
shacabka Soomaalida iyo dowladda
KMG ee Soomaaliya islamrakaan ay
sii wadi doonaan dadaalada la
doonayo in dib looga soo celiyo
nabada, kala dambeenta iyo
xasiloonida Dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa Weerarkii ka
dhacay Hotel MUNA Cambaareeyay
Dowladda Britian.
Wasiirka arimaha Qaarada Afrika
u qaabilsan dowladda Britian
Henry Pillingham ayaa wax laga
xumaado ku tilmaamay Qaraxyadii
iyo weerarkii shalay ay ku
geeriyoodeen masuuliyiin ka
tirsan dowladda kMG Soomaaliya
iyo dad rayid ah ee ka dhacay
Hoteelka MUNA ee Magaalada
Muqdisho xili ay dadkaasi ku
guda jireen gudashada bisha
Barakeysan ee Ramadaan, isagoo
tacsi u direy dhamaan
masuuliyiinta sar sare ee
dowladda iyo ehalada dadkii ku
waxyeeloobay weerarkaasi.
"Dowladd Britian si kulul ayay u
cambaareyneysa ugana soo
horjeedaa weerarkii shalay oo
geystay dad aan waxba galabsan,
dadkaasoo isagu jiray xubno ka
tirsan Barlamanka, Saraakiil ka
tirsan dowadda TFG-da iyo dad
aan waxba galabsan oo ahaa
muwaadiniin Soomaaliyeed,
Waxaana noo cad in kuwii geystay
falkaasi aysan ka shaqeyneyn
inay ka talineyn maslaxada iyo
nabda Soomaaliyeed" ayuu yiri
Henry Pillingham.
Cambaareynta Beesha caalamka
ayaa timid maalin ka dib
weerarkii ka dhacay Hotel ku
yalaa magaalada Muqdisho oo lagu
dilay Xildhibaano ka tirsan
Dowladda Soomaaliya,iyadoo
Mas'uuliyadda weerarkaasi ay
sheegteen Xarakadda Alshebab.
Odayaasha
Dhaqanka Beelaha Hawiye oo
cambaareeyay Weerarkii Hotel
MUNA iyo Dagaalka ay Iclaamiyeen
Xarakadda Alshebab.
Odayaasha Dhaqanka Beelaha
hawiye ayaa cambaareeyay Qaraxii
shalay lagu laayay Xubno ka
tirsan baarlamanka soomaaliya oo
deganaa Hotel MUNA ee magaalada
Muqdisho iyo Dagaalka xarakadda
Alshebab iclaamiyeen oo
maalintii 3aad ka socda
Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Golaha Dhaqanka
Beelaha Hawiye Axmed Diriye ayaa
wax laga xumaado oo nasiib daro
ah ku tilmaamay weerarkii ka
dhacay Hotel MUNA,isagoo
tilmaamay weerarkaasi mid
gardaro ah oo lagu laayay dad
aan dagaalka ku jirin isagoo u
Tacsi u diray dhamaan Ehelada
dadkii geeriyooday weerarkii ka
dhacay Hotel MUNA.
Axmed Diiriye ayaa ugu baaqay
dhinacyadda ku dagaalamaya
muqdisho in si shuruurd ah
dagaalka u joojiyaan.
Waxaan ugu baaqaynaa Kooxaha
dagaalka wada in ay dagaalka
joojiyaan,dagaal guul ku
gaarimaysaan wax natiijo ah oo
ka soo baxaya ma jiraan dagaalka
ayuu yiri Axmed Diiriye.
baaqa Afhayeenka Beelaha hawiye
ayaa yimid xili maalintii sexaad
Dagaal culus ay socdaan
magaalada Muqdisho oo sababay
qasaare fara badan.
Dibadbaxyo
lagu taageeraayo dagaalka
Xarakadda Alshebab ka wado
magaalada Muqdisho oo maanta ka
dhacay Gobolada koofurta
Soomaaliya.
Banaanbaxyo ay soo baabuleen
maamulada xarakaada Alshebab ee
ka jira qaar ka tirsan Goboladda
Koonfurta Soomaaliya laguna
taageeraayo dagaalka Xarakadda
Alshebab ay wado Magaalada
Muqdisho ayaa maanta ka dhacay
Degaano ka tirsan Gobolka Gedo
iyo Gobolka shabeelaha Hoose.
Banaanbax ay soo qaban qaabiyeen
maamulka gobolka Gedo ee
Xarakadda Alsheab ayaa ka dhacay
Degmadda Baardheere,iyadoo
dadkii banaanbaxa ka soo
qeybgalay loogu baaqay iney ka
qeybgalaan Dagaalka ka socda
Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale banaanbax kaasi la
mid ah ayaa maanta ka dhacay
magaalada Marka ee xarunta
Gobolka Shabeelaha Hoose,iyadoo
albaabada loo laabay gabi
ahaanba maanta goobihii
ganaacsiga ee Degmada Marka.
Dagaalada ka holcaya magaalada
Muqdisho waxaa 2 cisho ka hor
iclaamiyay Xarakadda Alshebab oo
ku baaqay dagaal ka dhan ah
Ciidamada Dowladda iyo Kuwa
AMISOM.
Dagaalo
aad culus oo maalintii 3aad ka
socda degmooyin ka tirsan
Gobolka banaadir.
Dagaalo aad u culus ayaa
maalintii 3aad waxa uu ka socdaa
degmooyinka H/wadaag,Hodon,
Wardheeglay,Boondheere iyo
Degmada Shipis,iyadoo dagaalka
uu sababay Dhimashada dad rayid
ah iyo dhaawac aad u fara badan.
Tiradda dadka maanta ku dhintay
dagaalka ayaa lagu sheegay 10
qof halka dhaawaca uu soo gaaray
in ka badan 30 qof sida ay
xaqiijiyeen Goobaha caafimaadka
magaalada Muqdisho.
Dagaalad xoog badan ayaa saakay
ka dhacay Wadada Makka
AlMukaramah oo ay isku
farasaareen Ciidamada Dowladda
iyo Xoogaga Mucaaradka ee ka soo
horjeeda.
Madaafiic aad u tiro badan ayaa
ku dhacay Suuqa Bakaaraha oo
maalintii hakad galay howlhihii
ganacsiga ee ka socday suuqaasi.
Sidoo kale dagaalo la isku
adeegsaday Hubka culus ayaa ka
dhacay degmooyinka waqooyi ee
gobolka Banaadir,iyadoo dad
badan dagaalada ay ku qasbeen in
ay guryahooda isaga baxaan.
Madaafiicda loo adeegsanaayo
dagaalka ayaa qasaare ka geestay
degaano ka baxsan goobaha lagu
dagaalamaayo sida Degmada
Wadajir,X/weyne iyo Kuwa kale.
Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay
madaafiic xalay ku dhacday xaafo
ka tirsan Degmada Wadajir sida
ay sheegeen dadka degaanka.
Sidoo kale waxaa Madaafiicda ay
ku dhacday Degmada X/weyne oo
dad rayid ah ku waxyeelaysay.
Dagaalada maalintii 3aad ka
socda Muqdisho waxaa iclaamiyay
Xarakadda Alsheba,iyadoo
dagaalada ay sababeen qasaare
badan.
Sheikh
Sharif oo sheegay in Dowladda
KMG ay samayn doonto qorshayaal
Cusub oo wax looga qabanaayo
Amaanka.
Madaxweynaha Dowladda KMG
sheikh Sharif ayaa sheegay in
Dowladda ay la imaan doonto
Khidadao cusub oo wax looga
qabanaayo Amaanka mas'uuliyiinta
Dowladda iyo Ciidamada.
Hadal uu ka jeediyay Munaasabad
Tacsi ah oo loo sameeyay
Xildhibaanadii shalay ku
geeriyooday weerarkii Hotel MUNA
ayaa sheegay in la tashiyo uu la
sameeyay taliyaasha Ciidamada
Dowladda sidii wax looga qaban
lahaa Amaanka Gudaha dalka iyo
Amaanka mas'uuliyiinta Dowladda
Soomaaliya.
Sheikh Sharif ayaa ku Edeeyay
Xoogaga caalamiga ah iney
Afkaaro shisheeye oo qaldan ay
ka fulinayaan dalka soomaaliya.
in ka badan 200 oo xildhibaan
ayaa ka qeybgalay maanta
Munaasabad Tacsi ah oo loo
sameeyay xildhibaanadii ku
geeriyooday Hotel MUNA,waxaana
Munaasabadaasi laga sheegay in
tiradda xildhibaanada ku
geeriyooday Hotel MUNA ay yihiin
4 Xildhibaan.