Xubno Ka Socda Guddiga Dastuur u
samaynta Soomaaliya oo Soo
Gaaray Galmudug State
Xubno ka
Socda Guddi loo xil Saaray
Dastuur u samayanta Dalka
Soomaaliya Saldhigoodana yahay
Wadanka Jabuuti ayaa Galabta Soo
Gaaray Magaalada Galkacyo ee
Xarunta Galmuudg State
Xubnahaan
Maanta Galkacyo Yimid oo la
dejiyay M idka mid ah Hoteelada
Galkacyo waxaa Socdaalkooda
Saxaafadda Caawa qadka telfoonk
uga Warbixiyay Wasiir Ku
Xigeenka Wasaaradda Warfafinta
Ahna Afhayeenka Galmuudg Axmed
Baasto waxa uuna sheegay in
wafdi badan oo ka soo Kicitimay
jabuutii loo soo diray Maamulada
Galmudug iyo Puntland isla
Markaana qaybta Galmudug oo
aqoon yahano ah ay Galabta
yimaadeen Galkacyo mar la
waydiiyay Baasto inay kulan la
qaateen waxa uu sheegay in
Manata ay ahayd soo dhaweyn
Aqoon yahanada Guddiga ka yimid
iyo dejinta Hoteelada Wixii bari
ka bilawdana ay kulamo
yeelanayaan Xubnaha Guddiga
Dastuur usamaynta Soomaaliya iyo
Mas’uliyiinta Dawlad Goboleedka
Galmudug State
Cabdalla Max’d C/lle
Mudugnet Galkacyo
Galmudug State SOMalia
Dagaalo
sababay qasaare aad u badan oo
galabta ka qarxay caasimadda
Soomaaliya ee Muqdisho.
Dagaalo sababay qasaare isugu
jira dhimasho iyo dhaawac soo
gaaray dad raydi ah ayaa galabta
ka qarxay degmooyinka ka tirsan
Gobolka Banaadir,iyadoo
dagaaladaasi ay barbar socdeen
Madaafiic lagu garaacay Goobaha
rayidka ah.
Ugu yaraan 30 qof ayaa ku
geeriyootay in ka badan 70
kalena dhaawac ka soo gaaray oo
dhamaantood rayid ah dagaalo aad
u qaraar iyo Duqeymo ka dhacay
Degmooyinka Boondheere, C/casiis,
Shibbis, H/wadaag iyo Hodon oo
ka wada tirsan Gobolka
Banaadir,iyadoo dagaaladaasi ay
u dhaxeeyeen Ciidamada Dowladda
oo ay wehliyaan Kuwa AMISOM iyo
Xoogaga islaamiyiinta e ka soo
horjeeda Dowladda KMG iyo
Ciidamadda AMISOM.
Cali Muuse Cabdi oo ah Madaxa
gaadiidka Gurmadka AMPLACE ayaa
saxaafadda u sheegay in tiro ka
badan 70 ruux oo qaba dhaawac ay
gaarsiiyeen Goobaha caafimaadka
ee Muqdisho laga soo bilaabo
5:00pm ee maanta ilaa iyo fiidki
caawa.
Cali Muuse ayaa intaasi ku daray
in shaqaalaha Gurmadka ay Arkeen
Meydka in ka badan 20 ruux oo u
badan Dumar iyo caruur ku
geeriyootay Duqaymaha
Madaafiicda.
Madaafiicda ayaa qasaaraha ugu
badan ka geeystay Suuqa
bakaaraha waxaana halkaasi ku
geeriyooday Dumar badan oo ka
ganaacsad dahabka iyo Dharka.
Xaalada Goobihii lagu dagaalamay
ayaa caawa degan in kastoo
mararka qaar la maqlaayo Rasaas
goos goos iyo daryanka
madaafiicda.
Xoogaga islaamiyiinta iyo
Dowladda KMG ayaa guulo ka
sheegtay dagaalka galabta ka
dhacay Muqdisho.
Afhayeenka Alshebab ayaa sheegay
in dagaalkii maanta dhacay ku
qabsadeen fariisimo ay horey u
fadhiyeen Ciidamada
dowladda,dhinaca Dowladda KMG
ayaa warkaasi lagu beeniyay.
Xarakadda Alshebab ayaa maanta
Iclaamisay dagaal ka dhan ah
ciidamadda dowladda KMG iyo
Ciidamada AMISOM ka dib shir
jaraa'id oo galabta saxaafada u
qabtay Gudoomiyaha xarakadda
Alshebab ee gobolka banaadir
Sheikh Cali dheere.
Sheikh Cali dheere ayaa sheegay
in laga Bilaabay maanta ay
iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah
waxa uu ugu yeeray Cadowga
islaamka ee ku soo duulay Dalka
sida uu hadalka u dhigay.
"Waxaan iclaaminay dagaal jihaad
ah oo lala galaayo cadowga
waxaana Mujaahidiinta ugu
baaqayaa iney weeraraan Goob
kasta oo ay ku sugan yihiin ayuu
yiri oo xiligii saxaafadda la
hadlayay ku labisnaa labiska
ciidamada Xarakadda isla
markaana gacanta ku heestay Qori
AK47.
Gudoomiyaha Gobolka banaadir ee
xarakadda Alshebabg ayaa ugu
baaqay shacabka Muqdisho iney
Qotaan Godod iyo dhufeesyo ay
kaga gabadaan Madaafiicda
ciidamadda AMISOM iyo Kuwa
Dowladda KMG.
Dagaalka maanta ay iclaamiyeen
xarakadda Alshebab ayaa in mudo
ah si weyn looga hadal haayay
iney ciidamada alshebab ku qaadi
doonaan Dowladda KMG iyo
Ciidamada AMISOM.
Ururka
Ahlu-sunah oo ka warbixiyay
Shirkii magaalada Adis-Ababa ay
kula yeesheen Dowladda KMG iyo
Beesha caalamka.
Wafdiga Ururka Ahlu-sunah
uga qeybgalay wadahadaladii ka
dhacay magaalada Adis-Ababa ee
xarunta dalka Ethiopia ayaa ka
warbixiyay qodobadii looga
hadlay shirkaasi iyo
Natiijooyinkii ka soo baxay.
Sheikh C/laahi Abuu Yuusuf
Alqaadi oo maanta shir jaraa'id
ku qabtay Degmada Guri-ceel ayaa
faahfaahin ka bixiyay shirka
Adis-Ababa iyo waxyaabihii ay
kala soo kulmeen Ururka
Ahlu-Sunah.
Abuu Yuusuf Alqaadi ayaa sheegay
in wafdiga Ahu-sunah ka socday
ay Beesha caalamka iyo xubnihii
ka socday Dowladda KMG kala
hadleen qodobo ay ka mid yihiin
Aragtida ay ka qabaan xal u
helida mashaakilka dalka
soomaaliya iyo sidii wax looga
qaban lahaa.
Afhayeenka ayaa ku eedeeyay
Dowladda KMG inysan Fulin
qodobadii heshiiskii ay ku
gaareen 15 bishii March dalka
Ethiopia iyo shirkii magaalada
Nairobi.
Abuu Yuusuf ayaa sidoo kale
sheegay in beesha caalamka ay
kala hadleen in Deeqaha iyo
waxyaabaha kale ee Ururka
Ahlu-sunah loogu tala galay aan
loo soo marsiinin cid kale ee
iyagu si toos ah gacanta loogu
soo galiyo iyo in xogta si toos
ah ay ula wadagaan Beesha
caalamka.
Shirka jaraa'id ee Ururka
Ahlu-sunah maanta ay ku qabteen
ayaa saacado yar ka dambeeyay ka
dib markii Dowladda KMG ka
hadashay Shirka Adis-Ababa ee
waxyaabihii ka soo baxay.
Maamulka
Gobolka Banaadir oo soo
bandhigay walxo Qaraxa oo laga
soo saaray Qeybo ka mid ah
Degmada X/jabjab.
Gudoomiyaha Degmada X/Jabjab
C/Baasid Maxamed Xuseen ayaa
maanta saxaafadda u soo
bandhigay Walxo qarxa oo
ciidamada Dowladda KMG ka soo
qabteen qeybo ka mid ah Degmada
X/jabjab ka dib Howlgalo
maalintii labaad Ciidamada
Dowladda KMG ay ka wadaan
Degmooyinka X/jabjab iyo Waaberi.
C/Baasid oo saxaafadda u
waramayay ayaa sheegay un
Ciidamada Dowladda ku guuleeteen
soo qabashada Miino aan wali
qarxin oo la doonaayay in lagu
dhibaateeyo shacabka
soomaaliyeed sida uu hadalka u
dhigay.
"Waxaa ciidamada ay soo qabteen
Miino iyo qalab kale oo loogu
tala galay in la fuliyo
qaraxyadda ayuu yiri Gudoomiyaha
Degmadda X/jabjab oo intaasi
raaciyay in howlgalka lagu soo
qabtay Nin lagu tuhunsan yahay
inuu ku lugleeyahay Miinadaasi.
Howlgalkan maanta lagu soo
qabtay Miinadan ayaa maalintii
2aad Ciidamo ka tirsan Dowladda
waxa ay ka wadaan Degmooyinka
Waaberi iyo X/jabjab,ka dib
qaraxii ka dhacay Buundada
Ansaloti ee Degmada Waaberi.
Shil
baabuur oo sababay Dhaawac Arday
School oo maanta ka dhacay
wadada isku xirta Muqdisho iyo
Afgooye.
Shil gaari oo sababay dhaawaca 5
ruux oo 3 ka mid ah yihiin Arday
School ayaa Barqadii saakay ka
dhacay wadada isku xirta
Muqdisho Afgooye,ka dib markii
ay isku Dhaceen labo gaari oo
Nooca Mini Bus ah oo mid ka mid
ah ay saarnaayeen Arday.
Goob jooge ayaa sheegay in
shilka uu yimid ka dib markii
mid ka mid baabuurta uu si xooli
ah ugu dhacay mid kale oo
taagnaa wadada.
Dadka ku dhaawacmay qaarkood oo
xaaladooda aad u liidato ayaa la
dhigay isbitaalada magaalada
Muqdisho si halkaasio loogu
daaweeyo.
shilalka baabuurta ayaa
maalmihii ugu dambeeyay ku soo
badanayay inta u dhaxaysa
Muqdisho iyo Afgooye iyo 2
isbuul ka hor shil sababay
dhimasho iyo dhaawac haalkaasi
ka dhacay.
Deeq lacag
iyo Raashiin oo la gudoonsiiyay
dad ku dhibaataysan Muqdisho iyo
Kismaayo.
Maamulka Xarakadda Alshebab ee
gobolka Jubadda Hoose ayaa
shalay Deeq raashiin ah u
qeybiyay qoysas dan yar ah oo ku
dhibaataysan degaano ka tirsan
Jubbadda Hoose gaar ahaan
magaalada Kismaayo.
Deeqdan oo isugu jirtay Raashiin
kala duwan ayaa loogu tala galay
in lagu afuriyo dadka
masaakiinta ah waxana ka
faa'ideysatay in ka badan 100
qoys oo ku nool magaalada
Kismaayo sida ay sheegeen
saraakiisha xarakadda Alshebab
ee Gobolka Jubadda Hoose.
sidoo kale waxaa maalintii
shalay ururka haweenka Dowladda
KMG deeq lacag ah gaarsiiyeen
dad barakacayaal ah oo ku nool
xeryo ku yaala Degmada Shibis
iyo Naafadda Ciidamadii Xooga
Dalka Soomaaliyeed ee ku nool
isbitaalka Martiini ee Magaalada
Muqdisho.
Caasha Gees Deer oo ah
gudoomiyaha haweenka ayaa lacag
garaysa $1500 u qeybisay dadka
barakacayaasha iyo naafadda
Ciidamada Xooga,waxaana lacagta
deeqda ay ka timid haween
soomaaliyeed oo ku nool dalka
Kuwiat.
Magaalada Muqdisho iyo Goboladda
dalka qaarkood waxaa ka socda
dadaalo lagu caawinaayo dadka
masaakiinta tan iyo markii ay
bilatay Bisha Ramadaan.
Dowladda
KMG oo faahfaahin ka bixisay
wadahadaladii magaalada Adis-Ababa
ku dhex maray Dowladda iyo
Ururka Ahlu-Sunah.
Kulan magaalada Muqdisho ay
ku yeesheen golaha wasiiradda
Dowladda KMG ayaa warbixin looga
dhageestay wasiiradii ka
qeybgalay shirkii ka dhacay Adis-Ababa
ee dhex maray dowladda KMG iyo
Ahlu-sunah.
Wasiirka warfaafinta dowladda
KMG Ing C/'r5amaan Cumar
Yariisow ayaa saxaafadda uga
waramay warbixinta wasiiradda ka
soo laabtay Adis-Ababa iyo
heshiis mar ay kala saxiixdeen
Ururka Ahlu-sunah iyo Dowladda.
Ing Yariisow ayaa sheegay in
Dowladda iyo Ahlu-sunah ku
heshiiyeen dhamaystirka
heshiisyadii hore,in la isku
daro ciidamada labada
dhina,xoojinta iskaashiga
Milatari ee dowladda iyo
Ahlu-sunah iyo qodobo kale.
Wasiirka warfaafinta Dowladda
KMG waxa uu beeniyay in Dowladda
KMG wado ababul dagaal oo ay ku
doonayso iney kula wareegto
goobaha ay ka taliyaan Xoogaga
islaamiyiinta ah ee ka soo
horjeeda Dowladda KMG iyo
joogitaanka Amisom,balse waxa uu
tilmaamay in Dowladda Isdifaci
doonto hadii la soo weeraro.
Shalay ayaa muqdisho waxaa dib
ugu soo laabtay xubnihii
dowladda KMG uga qeybgalay
shirki 3 geesood ahaa ee
magaalada Adis-Ababa,iyadoo
wafdigasi uu hogaaminaayay
wasiirka gaashaandhiga Abuukar
mardaadi.
Xukuumadda
Cumar C/rashiid oo sheegtay in
dagaal kula wareegi doonto
Goboladda ay ka taliyaan Xoogaga
islaamiyiinta.
C/rashiid Maxamed Xidig oo
ah wasiiruldowlaha Arimaha
Gudaha Dowladda ayaa qalabka
warbaahinta u sheegay in
Ciidamadda KMG la wareegi doonto
gobolada Koofureed ee dalka
Soomaaliya oo ay ka taliyaan
Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo
horjeeda Dowladda.
C/rashiid Xidig ayaa sheegay in
ciidamada dowladda
dhameystiranyihiin qalabkii ay
ku howlgali lahaayeen,
Militariga iyo booliskaba ay u
sida uu hadalka u dhigay isla
markaana ay la wareegi doonaan
guud ahaan gobolada koofureed ee
Soomaaliya.
Wasiiruldolwdaha Arimaha Gudaha
ayaa riyo ku tilmamay
Hanjabaadaha aka soo yeeraya
kooxcaha mucaradka ee ku saabsan
iney hordhin doonaan Weerarada
ay ku hayaan Ciidamada Dowladda
iyo Kuwa Amisom.
C/rashiid Xidig ayaa dhinaca
kale sheegay in Dowladda KMG wax
ka qaban doonto Amaan darida ka
jirta Degmooyinka ay ka taliso
Dowladda KMG oo mararka qar ay
ka dhacaan Falal Amni dari ah.
Hadalka ka soo yeeray wasiirul
dowlaha Arimaha Gudaha dowladda
soomaaliya ayaa ku soo beegnya
Xili si weyn loo hadal hayo
Dulaan la sheegay in Dowladda
iyo Ururka Ahlu-sunah ay ku
yihiin Goboladda ay maamulaan
Xoogaga Mucaaradka.