Saraakiisha Ciidamada Galmudug &
Wafdigii Galmudug ee Muqdisho
ka yimid oo kulan ku yeeshay
Xarunta Madaxtooyada Galkacyo.
Daawo Sawirada
Xarunta
Madaxtooyada Dawlad Goboleedka
Galmudug ee Magaalada Galkayo
waxaa Manaata kulan ku yeeshay
Saraakiisha Ciidamada Galmudug
iyo Wafdigii Galmudug ee
Muqdisho Safarka Shaqo kaga soo
laabtay waxaana Kulanka sidoo
kale Goob Joog ahaa
Mas’uliyiinta Maamulka Gobolka
Muudg iyo Qaar ka Tirsan Goalaha
Wasiirada & Barlamanka Galmuudg
State
Kulanka oo
Mudo Saacado ah Xarunta ka
Socday Albaabadana u xirnaayeen
waxaa Gunaanadkiisii ka
warbxiyay Axmed Baasto Kuxigenka
Wasaaradda Warfaafinta Ahna
Afahayeenka Galmudug State
“Maanta Waxaa
Xrunta Madaxtooyada Dawlad
Goboleedka Galmudug State Ku
shiray Wafdigii ka yimid
Muqdisho ee uu hor kacayay
Madaxweyne Ku Xigeenka Md.Cabdi
Samad Nuur Guuleed Wasiirka
Maaliyadda C/laahi Jaamac Dhoore
&Wasiir ku Xigenka Warfaafinta
Axmed Baasto waxay Xarunta
Madaxtooyada kula kulmeen
Saraakiisha Ciidmada Dawlad
Goboleedka Galmudug State oo ah
Taliyaashoodii iyo Taliyaasha
Guutooyinka Ciidamada Wafdigu
Waxuu warbixin Siiyay
Saraakiisha Ugana warmay
Safarkii Bisha Qaatay ee
Muqdisho &Kulamadii ay la
Sameeyeen Madaxwenaha Dawladda
Fedaralka Shekh Shariif iyo
qybaha kale ee Dawladda Sidoo
kalana Golayaashii dhaqanka
Beelaha Hawiye Saraakiisha
waxaan siinay Fariimihii aan ka
waday Dawladda Somaliya waxaan
kula dar daaranay Xoojinta
Amniga in si weyna wax looga
qabto Deegaanada Galmudug State
Waxaan kaloo
Saraakiisha Farnay inay u
istaagaan iygoon waxba ka
hagranayn ahaana Ciidankii u
dhaartay inay difaacayaan
Deegaanada Galmudug inay laban
laaban shaqada Amniga ay wadaan
waayo Amnigu waa Furaha Nolosha
Amnigu waa Salka lagu fariisto
ayuu yiri Baasto
Oo intaasi ku
daray “Deegaanada Galmudug waxay
ku sugan yihiin amni buuxa
Saraakiishana waxay balan
qaadeen inay sii wadaan
dadaalkooda wayna qaateen
talooyinka aan siinay waxayna
wacad ku mareen inay qaadanayaan
Amarada ay faryaan Mas’uliyinta
Sare ee Dawlad Goboleedka
Galmuudg State” ayuu Hadalkiisa
ku yiri Axmed Baasto oo ka
warbixiyay kulanka Maanta ka
dhacay xarunta Madaxtooyada
Dawlad Goboleedka Galmuudg State
ee Gaalkacyo
Ganacsatadda Soomaalida ee dalka
Zambia oo wada dadaal lagu
siidaynaayo dadka soomaalida ah
ee ku xiran xabsiyadda dalkaasi.
Ganacsatada iyo jaaliyadda
Soomaalida ee ku nool wadanka
Zambia ayaa wada dadaal ay ku
doonayaan in xabsiga looga
siidaayo 30 qof oo ku xiran
xabsiyadda dalkaasi oo ku
Edeysan tahriib.
Maxamed Abshir oo ka mid ah
ganacsatadda soomaalida
magaalada Luzaka ayaa rajo
wanaagsan ka muujiyay in lagu
guuleesto siidaynta dadkaasi oo
isugu jira Dumar Caruur iyo
Dhaliyaro kuwaasoo ciidamada
Dalka Zambia ay ka soo qabteen
Xuduuda u dhaxaysan Zambia iyo
S/Afrika.
Maxamed Abshir ayaa rajadda
siidaynta dadkaasi kama dambeys
ay tahay maalintta isniinta ee
soo socota sida ay isku
afgarteen saraakiisha Booliska
dalkaasi iyo Xubno ka socday
jaaliyadda iyo ganacsatadda
Soomaalida dalka Zambia.
Tahriibayashan ayaa laga yabaa
maraka laga siidaayo Xabsiga in
dib loogu celiyo halkii ay ka
soo galeen dalka Zambia oo ah
Dalka Tanzania, iyadoo Dowladda
Zambia ay horey dib u celisay
Qaxooti Soomaaliyeed.
Alshebab
oo maanta Mar kale Raashiin iyo
Daawo ku gubay Magaalada
Muqdisho.
Xarakadda Alshebab ayaa maanta
mar kale Raashiin iyo Daawo ay
ku sheegn iney dhacday ku gubay
Magaalada Muqdisho,kuwaasoo ay
dad ganacsato ah ku soo
wareejiyeen Ciidamada Xarakadda
Alshebab.
Raashiinka maanta lagu gubay
Degmada Huriwa ayaa isugu jira
Galay iyo Misir kaasoo Xarakadda
Alshebab ku sheegeen inuu yahay
rashiin Dhacay oo la doonaayo in
lagu dhibaateeyo shacabka
soomaaliyeed waxa uuna qeyb ka
yahay Rashiiinka hay'adda WFP ay
ka qeybiso degaano ka tirsan
Magaalada Muqdisho.
2 cisho ka hor ayaa Xarakadda
Alshebab sidaan oo kale Rashiin
ay dalka Keentay hay'ada WFP ugu
gubeen magaalada
Muqdisho,iyagoona uga shacabka
iyo ganacsatadda uga digay
waxyaabaha ay dalka keento
Hay'adda WFP.
AMISOM oo
sheegtay in qaraxyadii shalay ka
dhacay Muqdisho ay fashilmeen
Ujeedooyinkii laga lahaa isla
markaana ay ku geeriyoodeen
Xubno sar sare oo ka tirsan
Xooggaga ka soo horjeeda
Dowladda KMG.
Afhayeenka Ciidamada AMISOM
Barejiye Bahuku ayaa ka hadlay
qaraxyadii shalay ka dhacay
magaalada Muqdisho oo mid ka mid
ah lala beegsaday Ciidamada
Burundi ee fariisinka ku leh
xeradii hore ee Maslax.
Bahuko waxa uu sheegay in
qaraxii ka dhacay wadada
warshadaha aan wax qasaare ka
soo gaarin ciidamada Burundi,
askari ka tirsan ciidamada
AMISOM xiligaasi aysan joogin
goobta uu qaraxa ka dhacay.
Afhayeenka AMISOM waxa kaloo uu
sheegay in qarax ka dhacay
xaafadda Shiirkolle ay ku
geeriyoodeen dad ajaaniib iyo
Soomaali isugu oo ka tirsanaa
Xoogaga islaamiyiinta ee ka soo
horjeeda Dowlada iyo AMISOM,
waxa uu yiri 3 ka mid ah
dadkaasi waxa ay u dhasheen
Pakistan 2 Hindi ah 1 qof oo
Aljeria iyo Qof kale oo Soomaali
ah.
Barajiyo Bahuko ayaa ku
tilmaamay dadka ku dhintay
qaraxaasi kuwa doonaayay iney
dhibaateeyaan dadka Soomaalida
ee Nabadda jecel, laakiin ma
dhicin ayuu yiri dadka Nabad
jecel Alle ayaa la jira ayuu
yiri.
Sidoo kale Afhayeenka AMISOM
ayaa ka hadlay qarax kale oo ka
dhacay degmada waaberi,waxaa uu
yiri waxaa ku geeriyooday qofkii
miinada watay oo kaliya dad kale
waxba kuma noqon waxa uu ka
tirsanaa kuwa nabada u diidan
dadka Soomaaliyeed laakiin kuwa
nabada jecel ayaa guulaysan
doona ayuu yiri Bahuko.
Hadalka Afhayeenka AMISOM ayaa
ka dambeeyay ka dib qaraxyo
shalay ka dhacay magaalada
Muqdisho kuwaasoo la sheegay
iney qasaare ka soo gaartay
dadkii ku howlanaa qaraxyadaasi.
Mudugnet-News
Xubnihii Dowladda KMG uga
qeybgalay wada hadaladii
Dowladda KMG iyo ururka
Ahlu-sunaha klu dhexmaray
Magaalada Adis-Ababa ee Xarunta
dalka Ethiopia.
Wafdi uu hogaaminaayo wasiirka
gaashaandhigga Dowladda KMG
Abuukar Mardaadi ayaa maanta ka
soo dagay Duhurnimadii maanta
garoonka caalamiga ah ee
Muqdisho, waxa ayna ka
gaabsadeen in wax faahfaahin ah
saxaafadda ay ka siiyaan
safarkooda.
Xubnaha Wasiirka gaashaandhiga
safarkiisa ku wehliyay waxaa ka
mid ah wasiirka Amniga Axmed C/salaan
iyo wasiiro kale oo ka soo
qeybgalay Shirkii Adis-Ababa.
Shirka lagu soo gabagabeeyay
Addis-Ababa ayaa ilaa iyo hada
si rasmi ah aan loo shaacin
Waxyaabihii la soo baxay mar
laga reebo hadal;o kooban oo la
siiyay saxaafadda oo ay ku
sheegeen in shirka uu ahaa mid
dib loogu egaayay heshiiskii
horey u gaareen Dowladda iyo
Ahlu-sunah.