Last updated @ 12:00 pm
Eastern Standard Time
Wafdigii ka socday maamulka
Galmudug oo maanta ka dhoofay
gaaroonka caalamiga ah ee
Muqdisho.
Madaxweyne Ku xigeenka
maamulka Galmudug State iyo
wafdigii uu hogaminaayay oo
mudooyinkii la dhafay ku suganaa
caasimada dalka soomaaliya ee
muqdisho ayaa saakay ka dhoofay
garoonka caalamiga ah ee
Muqdisho,iyadoo wafdigaasi dib
ugu laabtay magaalada Gaalkacyo.
C/Samad Nuur Guuleed oo ah
Kuxigeenka Madaxweyanaha
Galmudug ayaa saxaafadda
Muqdisho la hadlayay ka hor inta
aysan ka dhoofin garoonka
Muqdisho ayaa ka warbixiyay
waxyaabihii uga qabsoomay
safarkooda ay ku yimaadeen
magaalada Muqdisho iyo Kulamadii
ay la yeesheen madaxda sare ee
Dowladda, wasiiro iyo qeybaha
kala duwan ee Bulshadda Gobolka
Banaadir.
Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug
ayaa sheegay in Mas'uuliyiinta
Dowladda ay kala hadleen
iskaashiga maamulka G/mudug iyo
Dowladda iyo sidii maamulka G/mudug
u heli lahaa Xaqa ay ku
leeyihiin Dowladda Soomaaliya,
sida waxbarshadda, caafimaadka,
Amniga iyo hormarinta Adeega
Bulshadda Galmudug.
"Waxaa maanta farxad ah in
Madaxweyne sharif oo markii hore
ku mashquulsanaa Xamar oo kaliya
hada uu balan wax la qaban doono
maamuladda ka jira dalka ayuu
yiri Cabdisamad Nur Guuleed.
Wafdigan oomagaalada Muqdisho ku
suganaa Muqdisho bil ah waxaa ka
mid ahaa Wasiirka Maaliyadda G/mudug
C/laahi Jaamac Dhoore iyo wasiir
kuxigeenka Warfaafinta Axmed
Baasto.
maamulka Degmada Guriceel oo
xabsiga ka siidaayay 20 qof oo u
xirnaa Qaraxii dhawaan lala
Beegsaday Gudoomiyaha Degmada.
Maamulka Degmada Guriceel ee
Ururka Ahlu-Sunah ayaa maanta
xabsiga Saldhiga Degmada ka sii
daayay 20 qof oo ka mid ah
dadkii loo soo qabqabtay Qarax
dhawaan ka dhacay magaalada
GuriCeel oo lala beegsaday
Gudoomiyaha Degmada Cismaan taar
dhuleed.
Taliyaha Amaanka Degmada Axmed
Odowaa oo ka hadlayay saxaafadda
ayaa sheegay in Siidaynta
dadkani ay ka dambaysay in ka
dib markii wax dambi ah lagu
waayay isla markaana ay xabsi
wali ku jiraan dad ka badan 40
qof oo looga shakisan yahay
Qaraxii ka dhacay Guriceel.
Axmed Odowaa waxa uu intaasi ku
daray dadka xiran ay ka mid
yihiin shaqsiyaadkii sida tooska
ah uga dambeeyay qaraxa,isla
markaana ay soo qabteen
ciidamada maamulka walxihii
qaraxa loo adeegsaday.
3 cisho ka hor ayaa magaalada
Guriceel waxaa Qarax lala Eegtay
gari uu watay Gudoomiyaha
Degmada Cismaan Taardhuleed oo
ku dhaawacmay qaraxaasi isaga
iyo 2 caruur ah uu dhalay.
AMISOM oo
dalbatay in 40 kun laga dhigo
tiradda AMISOM ee dalka
Soomaaliya.
Taliyaha Ugu sareeya Ciidamada
AMISOM ayaa ka dalbaday Ururka
Midowga Afrika in Tiradda
Ciidamada AMISOM la gaarsiiyo
kun oo askari si ay uga
guuleestaan Xoogaga
islaamiyiinta ee ka dagaalamaya
Gudaha Dalka soomaaliya.
Wargeyska The New
vission ee ka soo baxa
Magaalada Kampala ee dalka
Uganda oo soo xiganaya taliyaha
Ugu sareeya Ciidamada AMISOM ee
Soomaaliya ayaa qoray in AMISOM
ay Dalbatay in Ciidamada la
gaarsiiyo 40 kun,isla markaana
aysan ku tilaamay 8-dii kun ee
qoray loo qorsheeyay mid aan ku
filnayn nabad kun soo dabaalida
dalka soomaaliya oo ku sii
xoogeestay Islaamiyiinta.
Xoogaga islaamiyiinta gaar ahaan
xarakadda Alshebab ayaa helay
awood ciidan oo ka xoog badan
sidii hore ayuu yiri sarkaalka
AMISOM sidaasi darteed kuma
filna 8 kun oo kaskari oo kaliya
waa in tiradda Ciidamada la
gaarsiiyaa 40 kun.
Dhawaan ayaa hogaamiyaasha
Afrika isku afgartay in la
dhameestiro tiradii ciidamada
AMISOM ee loo cayimay in loo
diro dalka Soomaaliya oo 8 Kun
la gaarsiiyo,balse hadalka ka
soo yeeray AMSOM ayaa u muuqda
mid ka duwan Aragtida
Hogaamiyaasha Afrika dareenka
laga qabo soomaaliya Qaraxdii ka
dhacay kampala ka dib oo ay
sheegteen mas'uuliyadiisu
xarakadda Alshebab waxaa isoo
taraayay hadal haynta Xoojinta
Ciidamada AMSOM iyo suurta
galnimada faragalin kale oo
milatari in lagu sameeyo
Soomaaliya,kaasoo taageeri ka
yeelayaa Mareykanka iyo
Dowladaha kale ee isbahysigu
yihiin.
Maamulka Gobolka Banaadir oo
sheegay in Dib loo furi doono
Suuqa X/weyne. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
Maxamed Axmed Tarsan ayaa
sheegay in Maamulkiisa ku howlan
yahay sidii dib loogu furi lahaa
qeybha kala duwan ee Suuqa X/weyne
oo ku xirmay Dagaaldii sokeeye
ee ka dhacay dalka.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir
ayaa tilmaamay in dhawaan la
howlgalin doono Kawaankii Hlibka
Xamar weyne, Suuqaii Dharka
Bacaadlaha,Suuqii Dahabka iyo
bakhaaradii ku yiilay Xamar
weyne kuwaasoo aan in mudo ah
lagu shaqaynin.
Maxamuud Axmed Tarsan ayaa
intaasi ku daray in Isgaarsiin
lagu sugaayo Amaanka Goobahaasi
lagu xiri doono suuqa X/weyne,
si hadii ay dadka dhibaato la
kulmaan ula soo xariraan
Ciidamada saldhiga Booliska
Degmada.
Suuqa Xamar weyne oo ahaan jiray
suuqa ganacsiga ugu weyn dalka
Soomaaliya ayaa ku burburay
dagaaladii sokeeye ee ka dhacay
Soomaaliya, in kastoo mudooyin
kii ugu dambeeyay ka bilowdeen
ganacsi aan badnayn.
Ciidamada Dowladda KMG oo saakay
Howlgalo ka sameeyay Degmooyin
ka tirsan Gobolka Banaadir.
Ciidamada Dowladda KMG ayaa
saakay Howlgalo baaritaan ah ka
sameeyay Degmooyin ku yaala
Gobolka Banaadir oo ay ku
sheegeen in ay ku raad joogaan
dad nabad galiyo dari ka wado
Degmooyinkaasi.
Saraakiisha Ciidamada Dowlada
ayaa ku sheegay Howlgalkan inuu
qeyb ka yahay Howlgaladii
Amaanka lagu sugaayay ee
maalmihii la soo dhaafay ay ka
wadaan Gobolka Banaadir.
shalay waxaa qarax lagula Eegtay
Ciidamada Dowladda Xaafadda
Xoosh ee Degmada
Dharkeenlay,iyadoo maamulka
Degmada ay sheegeen in la soo
qabtay qofkii ka dambeeyay
Qaraxaasi.
Hogaamiyaha dalka Sudan oo
dadaalo dhexdhexaadin ka dhex
bilaabay Dowladda Soomaaliya iyo
Xoogaga ka soo horjeeda.
Sida ay qoreen waraabinta Dalka
Sudan waxaa Hogaamiyaha Dalka
sudan Cumar xasan Albashiir uu
wadaa dadaalo uu ku doonaayo
inuu ku dhex dhexaadiyo Dowladda
madaxweyne Sharif iyo Xoogaga
Mucaaradka ee ka soo
horjeeda,iyadoo Madaxweynaha
Sudan uu la kulmay wakiilo ka
socda Xoogaga Mucaaradka iyo
madaxweyanaha Dowladda KMG
sharif Sheikh Axmed.
Saxaafadda kama aysan hadlin
Cida ay yihiin wafdiga
Mucaaradka soomaaliya ee gaaray
dalka sudan iyo dhinacyadda ay
kala matalayaan,in kastoo si aan
rasmi ahayn loo tilmaamay iney
yihiin Xubnaha Sudan gaaray
wafdi ka socda Ururka
Xisbul-islam ee uu hogaamiyo
Sheikh Xasan Daahir Aweys.
hadalka Hogaamiyaha Sudan uu
siiyay saxaafadda oo ku saabsan
arimaha Soomaaliya si
faahfaahsan ugama uusan hadlin
qorshihiisa Nabadda ee kooxaha
isaga soo horjeeda Soomaaliya,
balse waxa uu ku gaabsaday inuu
gacan ka gaysan oo doono xal u
helida dhibaatadda dalka
Soomaaliya.
Madaxweyne Sharif hadal kooban
uu u jeediyay Xubno ka tirsan
labada golle ee Dowladda kuma
uusan soo hadal qaadin
waxyaabihii uu kala soo hadlay
Hogaamiyaha Sudan iyo qorshaha
Dhexdhexaadinta ah ee uu
doonaayo.
Xoogaga Islaamiyiinta ee ka soo
horjeeda Dowladda ayaa horay ugu
gacan sayray Wada hadal ay
galaan Dowladda sheikh Sharif,in
kastoo aan la saadaalin karin
sida kooxaha Mucaaradka ah ay u
aqbali doonaan in iyo kale wada
hadal ay la galaan Dowladd KMG.
Xarakadda Alshebab oo tababar
Ciidan ku soo gabagabeeyay
Gobolka Shabeelaha Hoose.
Maamulka xarakadda Alshebab ee
gobolka Shabeelaha ayaa shalay
Degaanka Janaalle ee Gobolka
shabeelaha Hoose tababar Ciidan
ugu soo gabagabeeyay dhalin ka
kala socotay qeybaha Bulshada oo
ay ku jiraan ganasato.
Gudoomiyaha xarakadda Alshebab
ee Gobolka Abuu cabdalle oo
saxaafada uga waramay
Tababarkaasi Ciidan ayaa sheegay
in u jeedada laga leeyahay sidii
dadka loo bari lahaa Xeeladaha
Ciidanka iyo noocyada Hubka,si
buu yiri ay uga qeyb qataan
Sugida Amaanka iyo Difaaca
Diinta sida uu hadalka u dhigay
Abuu cabdalla.
Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha
Hoose ee xarakadda Alshebab waxa
sidoo kale sheegay in tababar
kan la mid ah laga Furay Degmada
Baraawe ee gobolka shabeelaha
Hoose.
Tababarada Xoogaga islaamiyiinta
ee ka soo horjeeda dowladda KMG
Soomaaliya ayaa sii kordhayay
Mudooyinkii ugu dambeeyay,xili
ay diyaar garow ugu jiraan Guluf
dagaal oo ka dhan Ciidamada
Dowlada iyo Kuwa AMISOM.