Tartan Qur'aan Aqris ah oo
maanta ka furmay Magaalada
Jowhar ee Xarunta Gobolka
shabeelaha Dhexe.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco,
18ka Agosto, 2010.
Tartan Qur'aan Aqris ah oo ay ka
qeyb galayaan 12 dugsi qur'aan
oo ku yaala Magaalada Jowhar
ayaa maanta si rasmi ah uga
Furmaty Masjidka Raxma ee
Magaalada Jowha,iyadoo Tartanka
uu soo qaban qaabiyay xafiiska
dacwadda iyo Tacliinta xarakadda
Alshebab ee magaalada Jowhar.
Tartanka Qur'aan Aqriska oo la
qabto Bisha ramadaan ayaa waxa
ay ka socdaan inta badan
goboladda dalka Soomaaliya,
iyadoo ujeedada laga heeyahay
tahay si loo hormariyo
barashadda iyo Xifdinta
Qur'aanka Kariimka, waxaana
Abaal Marino lagu siiyaa Ardayda
kaalimaha Fiican ka gala aqriska
Qur'aanka kariimka.
Mudugnet-News