
Qaraxyo
iyo Tacashiirado Khasaara
dhaliyay oo maanta ka dhacay
magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 30, 2009.
Qaraxyo iyo Tacshiirado
dhaliyay khasaaro ayaa maanta
magaalada Muqdisho ku dhaxmaray
Xoogaga islaamiyiinta mucaaradka
ah iyo ciidanka dowlada.
Rabshado kala gedisan ayaa
maanta muqdisho ku dhaxmaray
xoogaga isku hayo gacan ku
haynta magaalada.
Qarax barqanimadii maanta ka
dhacay xaafadda 21-October
degmada Waaberi ayaa dhaliyay
khasaare dhimasho iyo dhaawac ah
oo gaaray ciidanka dwolada iyo
shacab rayid ah.
Hal Askari ayaa ku geeriyooday
qaraxa Waaberi ka dhacay iyo
dhaawac gaaray 4-qof oo goobta
wax ka dheceen ka ag dhawaa.
Dhinaca kale Tacshiirado ay
degmada Madiina isku dhaafsadeen
ciidanka dowlada iyo xoogaga
hubaysan ayaa sababtay geerida
2-askari iyo dhaawaca dad rayid
ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho
Naar
Galayaasha Qaraxyada Sameeyay
Maxay kordhiyeen oon ka aheyn
Geerida Shacabka masaakiinta ah,
war kuwan in lala jahaado ayaa
banaan, Shacabkow Dowladda
Taageer, Terroristahana la
jahaad!
Abtidoon Bee