
Madaxweynaha Soomaaliya oo
maanta safar u amba baxay xilli
ay dagaallo ka socdaan magaalada
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 30, 2009.
Madaxweynaha dowlada
Federaalka Somalia Sheekh
Shariif sheekh Axmed ayaa markii
ugu horaysay safar dibadda ugu
baxay tan iyo markii ay
bilaawdeen dagaalada.
Maanta duhurkii ayuu Muqdisho ka
dhoofay madaxweyne Shariif iyo
wafdi uu hogaaminayo iyagoona
kusii jeedo magaalada Serta
wadanka Libya halkaas oo ay ka
socdaan shir ay leeyihiin
madaxda qaaradda Africa.
Amaanka Madaxweyne Shariif waxaa
siwey u adkeeyay Ciidanka nabad
ilaalinta Midowga Africa oo isku
gedaamay wadada dheer ee
Garoonka aada ilaa iyo
Madaxtooyada Villa Somalia.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho