
Isbedel
dhanka Maamulka ah ayaa maanta
ka dhaqan galay gobalaa Bay iyo
Bakool oo ay maamulaan Xoogaga
Islaamiyiin ah oo mucaaradsan
Dowladda Federaalka Somalia.
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 29, 2009.
Kulanka oo ay ka soo qeyb
galeen saraakiil katirsan Al-shabaab
iyo waxgaradka ku dhaqan
gobolada Bay iyo Bakool ayaa
waxaa xilkii wareejiyey
guddoomiyihii hore ee Ururka Al-shabaab
u qaabilsanaa gobolada Bay iyo
Bakool Shiikh Xasan Abuu Ayman.
Shiikh Xasan Abuu Ayman oo ah
guddoomiyihii hore ayaa kulanka
ka sheegay inuu ku faraxsan
yahay inuu xilka wareejiyo
islamarkaana uu si wanaagsan ula
shaqeyn doono ciddii la soo
magacaabo.
Shiikh Mahad Cumar C/kariin ayaa
loo magacaabay guddoomiyaha
cusub gobolada Bay iyo Bakool ee
Ururka Al-shabaab, waxaana uu
kulankii lagu magacaabay ka
sheegay inuu si hufan u gudan
doono xilka loo magacaabay.
" Waan ku faraxsanahay xilka la
ii magacaabay insha'alaahuna
wada shaqeyn wanaagsan ayaan la
yeelan doonaa bulshada
qeybeheeda kala duwan" ayuu yiri
Guddoomiyaha cusub ee la
magacaabay.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho