
Maxaakimta
dowlada raacsan oo cambaareeyay
duqaymaha ay AMISOM ka gaysato
Magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 29, 2009.
Maxaakimta Islaamka ee
taageersan dowladda Federaalka
Somalia ayaa dhaliilay qaabka ay
dowlada Federaalka Somalia u
dhaqanto xilli dowladu ay
dhawaan dalbatay Ciidan
shisheeye oo ay Itoobiyaan kamid
yihiin.
Sarkaal u hadlay Maxaakimta
dowlada raacay ayaa sheegay in
aysan raali ka noqo doonin
duqaymaha ay AMISOM ka gaystaan
Suuqa Bakaaraha iyo meelaha ay
dadka Rayidka ah deganyihiin.
Ku simaha Afhayeenka Maxkamadaha
Islaamka ee dowladda ku biiray
C/risaaq Maxamed Qeylow ayaa ka
dhawaajiyey inaysan marnaba
raali ka aheyn in madaafiic lala
dhaco goobaha ay shacabku ku
dhaqan yihiin, waxaana uu
sheegay inaysan la dhacsaneyn in
la duqeeeyo suuqa Bakaaraha iyo
deegaanada kale oo ay shacabku
ku dhaqan yihiin.
Wuxuu ugu baaqay xoogagga
Mucaaradka ah inaysan madaafiic
ka dhex tuurin goobaha ay dadka
shacabka ku sugan yihiin,
waxaana uu tilmaamay in
ganacsatada looga baahan yahay
inay iska dhiciyaan kooxaha
madaafiicda ka tuuraya suuqa
Bakaaraha.
"Marnaba raali kama nihin in
madaafiic lala dhaco suuqa
Bakaaraha iyo deegaanada ay
shacabka ku dhaqan yihiin" ayuu
yiri C/risaaq Maxamed Qeylow
afhayeenka Maxkamadaha Islaamka
ee dowladda ku biiray.
Wuxuu intaas raaciyey inay ka
war hayaan in guri ku yaala
suuqa Bakaaraha gaar ahaan
hareeraha shirkadaha uu saaran
yahay Qori BKM ah oo rasaas loga
soo tuuro xarunta madaxtooyada
ee Villa Somalia sida uu hadalka
u dhigay.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho