
Gen. Cabdi
Qaybdiid " Ciddii aan ku qabano
Gawaari Muraayada Madow leh
waxaan u arkaynaa Nabad diid
Argagaxisa ah".
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 29, 2009.
Dowlada
Federaalka Somalia ayaa ku
dhawaaqday in xaalad feejignaan
ah lageliyay Ciidankeeda kadib
markii ay soo bexeen warar
sheegaya in Xoogaga
Islaamiyiinta Mucaaradka ah
fulinayaan Weeraro is qarxin.
Taliyaha Ciidanka Booliska
Dowladda Federaalka Cabdi Xasan
Cawaale Qaybdiid oo shir ku
qabtay Muqdisho ayaa sheegay in
ay Mamnuuceen Isticmaalka
Gawaarida leh Muraayadaha Madow
hadii ay qabtaana ay u rakaan
kuwa Fowda ah.
Cabdi Qeybdiid Taliyaha
Ciidamada Booliska ayaa shir
jaraa'id uu ku qabtay Muqdisho
waxa uu kaga hadlay howlgalo ay
shalay iyo maantay ka sameeyen
qaar ka mid ah Degmooyinka
Magaalada Muqdisho.
Taliyaha waxa uu carabka ku
dhuftay in howlgaladaasi ay
Ciidamada ku soo qab qabteen
kooxo Dambiilayaal ah, isagoo
sheegay in ay Maxkamad soo taagi
doonaan kooxahasi.
Cabdi qeybdiid waxa uu sidoo
kale ka hadlay in howlgaladan ay
noqon doonaan kuwo joogta ah,
dhawaana dib u soo celin doonaan
Amaanka guud ahaan Degmooyinka
Magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidamada Booliska
Dowlada KMG ee Soomaaliya Cabdi
Xasan Cawaale Qeybdiid waxa uu
sidoo kale sheegay in maantay
wixii ka danbeeyo ay Mamnuuc
tahay in gaari miraayadihiisa
madow yihiin lagu arki Karin
goobaha ay ku sugan yihiin
Ciidamada Dowlada KMG ee
Soomaaliya, haddii lagu arkana
ay ka qaadi doonaan talaabo adag
sida uu hadalka u dhigay.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho