Al Shabaab oo Maanta Bakhaaro kuyaal Suuqa Bakaaraha kasoo heshay Raashin dhacay (Daawo Sawirada).

 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, June 29, 2009.
 


Kooxda Al Shabaab ee xagjirka Islaamiga ah ayaa bilaawday Ol Ole ay kula dagaalamayso Ganacsatada Suuqyada magaalada Muqdisho soo geliyo alaabaha dhacay oo siweyn u waxyeeleeyo caafimaadka shacabka.

Ciidamo katirsan Ururka Al Shabaab ayaa maanta howlgallo balaaran ka sameeyay Suuqa Bakaaraha iyagoona gacanta kusoo dhigay Bakhaaro ay ka buuxaan Badeecooyin dhacay.

Illaa shan Bakhaar oo ay ku jireen Raashin dhacay iyo kuwa qoyan ayey xoogagga Al-shabaab soo bandhigeen, waxaana raashinka bakhaarada ku jiay dhamaantood ay ahaayeen kuwa doorsoomay oo aan galin isticmaal.

Saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa goobta lagu soo bandhigay raashinka dhacay aya sheegay inay ka war heleen in gudaha suuqa Bakaraha ay ku yaalaan Bakhaaro ay ka buuxaan raashin dhacay iyo kuwa qoyay oo tayo ahaan doorsoomay.



Waaliga Ururka Al-shabaab ee gobolka Banaadir Shiikh Cali Maxamed Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidanka Al-shabaab aysan kaliya jihaadka ku koobneyd balse ay wax ka qabanayaan arrimaha Bulshada.

Al Shabaab oo lagu eedeeyo in ay xariir laleedahay Ururka Al Qaacidda ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday howlgallo ay shacabka kusoo jiidanayso waxayna dhawaan meel fagaara ah gacamaha iyo lugaha uga jartay dhalinyaro la sheegay in ay Burcad ahaayeen.
 

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho