Madaxweynihii Gal-Mudug oo Xilkii uu hayay Iska casilay iyo Prof. Max'med Faarax Jimcaale oo ku guulaystay deminta xasarada Gal-Mudug

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 27, 2009.
 


Madaxweynihii Maamulka Gal-Mudug ayaa maanta ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay Xilkii Madaxtinimo oo uu ka hayay Maamulka Gal-Mudug oo ka arrimiyo deegaano dhowr ah oo hoos yimaad Galgaduud iyo Mudug.
Shir Jaraa'id oo uu maanta magaalada Gaalkacyo ku qabtay Madaxweyne Max'med Warsame Cali Kiimiko ayuu ku sheegay in uu ka tanaasulay xilkii uu u hayay Shacabka Gal Mudug kadib markii ay soo bexeen khilaafaadyo Gal-Mudug gelin kara Mugdi Siyaasadeed.

Mr. Kiimo oo Warbaahinta lahadlay wuxuu sheegay in uu yahay Muwaadin caadi ah oo xor ah islamarkaana uu kamadax banaanaa doono arrimaha Siyaasadda Maamulka Gal Mudug.

Istiqaalada uu maanta dhiibay Madaxweyne Kiimiko waxaa kasoo shaqeeyay Aqoonyahano iyo Waxgarad kasoo jeedo Gal-Mudug oo maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsanaa xal u helidaa xasaradaha ka aloosmay Doorashooyinka Madaxtinimada Gal-Mudug.

Prof. Max'med Faarax Jimcaale oo ka tirsan Siyaasiyiinta Gal-Mudug ayaa la sheegay in uu ku guulaystay xal uhelidda Gal-Mudug isla markaana uu iskus oo dhaweeyay Siyaasiyiintii is khilaafsaneeyd.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia