Dowladda Federaalka Somalia oo Itoobiya ka codsatay in Ciidankii Gumaysiga dib loogusoo celsho Somalia

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 27, 2009.
 


Dowladda Federaalka Somalia ayaa Itoobiya ka codsatay in si deg deg ah ay Ciidan ugusoo dirto Somalia si ay uga bad baadiyaan xoogaga Islaamiyiinta ah ee qabsaday gobalada.

Wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sheekh Aadan oo booqasho ku joogo magaalada Addis Ababa ayaa Males Zanawi ugudbiyay warqad uu ka siday Madaxweyne Shariif taas oo aan la ogayn waxa ku qoran.
TV-ga Qaranka Itoobiya ayaa laga daawaday Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Males Zanawi oo wada fadhiya islamarkaana Males Zanawi uu aqrinayo Warqad uu soo diray Madaxweyne Shariif.

Dadka Somalida ah ayaa ka carooday codsigii ay dowlada Somalia u dirtay itoobiya ee ahaa in ciidankii gumaysiga Itoobiya dib loogusoo celsho Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia