Markab hub iyo saanad Ciidan u sida dowladda KMG oo kusoo xirtay Dekadda Muqdisho
 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 27, 2009.

 

Markab saanada ciidan u sida dowlada Federaalka Somalia iyo Ciidanka AMISOM ayaa maanta kusoo xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho xilli ay socdaan dagaallo.

Maanta duhurkii ayuu Dekadda Muqdisho soo gaaray Markabkan oo ah mid weyn islamarkaana ay saaranyihiin Konteenaro ay ka buuxaan hub iyo rasaas aad ubadan.

Dad ku sugan Dekadda Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidanka AMISOM ay hakiyeen howlihii dekadda ee caadigaa si aan loo xanibin dejinta Markabkan hubka sida.

Wararka ayaa intaas ku daraya in hubkan ay Somalia ugu deeqday dowlada Maraykanka oo dhawaan sheegtay in dowlada Federaalka ay ka kaalmay doonto la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada caalamiga ah.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia