Al Shabaab oo xirtay gudoomiyihii hore ee degmada Baraawe gobalka Shabeelaha Hoose

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 27, 2009.
 


Maamulka Islaamiga ee gobalka Shabelaha Hoose ayaa maanta xabsiga dhigay gudoomiyihii hore ee degmada Baraawe Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow.
Maanta Duhurkii ayay Ciidanka Kooxda Al Shabaab isku balaariyeen xaafad kamid ah xaafadaha degamada Baraawe oo uu deganaa gudoomiyaha la xiray.

Dad goob joogayaal ah ayaa soo sheegay in Ciidanka Al Shabaab ay gacanta kusoo dhigeen gudoomiye Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow dabadeedna ay dhigeen Jeelka degmada Baraawe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Al Shabaab ay soo qabatay Gaadiid iyo hub yiilay guriga Cabdulaahi Xalane Dhuxuloow oo in mudda ah maamulayay degmada Baraawe.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia