
Sheekh
Xasan Daahir oo sheegay in ay
Guluf dagaal lageli doonaan
Ciidan Shisheeye oo Somalia
yimaada
MudugNet, Muqdisho. Arbaco,
June 24, 2009.
Hoggaamiyaya Ururka Mucaaradka
Xisbul Islaam Sheekh Xasan
Daahir ayaa maanta si kulul uga
jawaabay baaqii Ciidanka ay ku
dalbatay dowladda Federaalka
Somalia kadib markii ay xoogaga
mucaaradku kusoo siqeen
Sheekh Xasan Daahir Aweys
shirkiisa jaraa’id waxa uu uga
hadlay arrimo fara badan oo ku
salaysan dalka Soomaaliya
marxalada uu haatan marayo.
Ugu horaysayn Sheekh Xasan
Daahir Aweys waxa uu ka hadlay
Dalabka dowlada KMG ee ku aadan
in dalka Soomaaliya muddo
24-saacadood ku soo galaan
Ciidamo aan kala sooc lahayn oo
ka socda dalka Dariska iyo
Caalamka intiisa kale
Sheekh Xasan Daahir waxa uu ugu
baaqay dalalka dariska iyo
wadamada kale ee Caalamka isla
markaana qorsheynayaan in dalka
Soomaaliya u soo diraan Ciidamo
shisheeye in ay ka waantoobaan
oo aysan ku soo kahdoomin dalka
Soomaaliya.
"Ciidan kasta ee Dalka
Soomaaliya la keeno waynu ku
jihaadi donaa…waxaana dalalka
dariska ugu baaqayaa in ay ka
waantoobaan in dalkeena ay
yimaadaan, wardalka Soomaaliya
inaga ayaa leh" ayuu yiri Sheekh
Aweys,
Wadaadkan katirsan Mucaaradka
ayaa ku goodiyay in ay hubka sii
sida doonaan haddii dalka
lakeeno Ciidan shisheeye
islamarkaana ay hor istaagi
doonaan hana qaadka Dowladda
Federaalka Somalia.
Riix halkan si aad u aqriso
Bayaanka Ururka Xisbul Islaam
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho Somalia