Maxaakimta islaamka B/weyne oo cafis u fidiyay Maxaabiis ay kusoo qabteen howlgallo nabad gelyo

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 24, 2009.



Maxaakimta Islaamka taageersan dowlada Federaalka Somalia ayaa shaaca ka qaaday in ay cafis u fidiyeen maxaabiis ay dhawaan kusoo qabteen howlgallo amni sugid ah oo ay ka fuliyeen magaalada B/weyne
Taliyaha amaanka u qaabilsan Maxkamadaha Islaamka Shiikh Ibraahim Yuusuf ayaa sheegay in dadka ay sii daayeen ay kamid ahaayen tiro dad ah oo ay ciidanka amaanka ka qabqateen xaaafadaha magaalada Baledweyne kadib howlgallo ay ka sameeyeen.

Wuxuu sheegay in dadaan la qabqabtay xilli uu magaalada Baledweyne ka jiro bandow lagu sugayo amaanka kaas oo magaalada uu ku soo rogay maamulka Maxkamadaha Islaamka.

Taliyaha ayaa intaas raaciyey inay jiraan dad kale oo weli ku jira xabsiga magaalada Baledweyne kuwaas oo uu sheegay inay ku hayaan baaritaano islamarkaana ay maxkamad soo taagi doonaan.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia