Jaamacadda Carabta oo ka qayla dhaamisay dhibaatada ka aloosan Koonfurta Somalia

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 24, 2009.



Wadamada jaamacadda Carabta ayaa sheegay in ay ka damqadeen dhibaata ka aloosan dalka Somalia isla markaana ay go'aamo muhiim ah kasoo saari doonaan kulamo ay leeyihiin Wasiirada arrimaha dibadda.
Kulanka oo ka furmay magaalada Qaahira ayaa si weyn loogu lafa guri doonaa xaaladda murugsan ee dalka Somalia oo is badalo xooggan ay ka dheceen, waxaana wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda carabta ay ka wada tashan doonaan waxa laga yeelayo Somalia.

Ilo ku dhow kulanka ayaa ku waramaya in diiradda lagu saari doono qaabkii loo badbaadin lahaa dowladda KMG ah oo awoodeeda ay sii wiiqayaan xoogagga mucaaradka oo ku sii siqaya xarunta madaxtooyada ee laga maamulo dowaladda KMG ah.

Wasiirada ayaa sidoo kale isla soo qaadi doona sidoo loo caawin lahaa dowladda KMG ah oo dhawaan codsi taageer ah u jeedisay beesha caalamka oo ay ku jiraan Ururada Jaamacadda Carabta iyo Midowga Afrika oo labadu ay Somalia kamid tahay.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia