Degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ay weli kasii socdaan dagaallo qaraar

 

MudugNet, Muqdisho. Arbaco, June 24, 2009.


Dagaallo iyo duqaymo culus ayaa maanta mar kale dib uga qarxay degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid Waqooyiga magaalada Muqdisho oo maalmahan noqday masrax dagaaleed culus.
Wararka laga helayo degmada Kaaraan ayaa sheegaya in saaka qeybo kamid ah degmadaas ay ku dagaalameen ciidanka dowladda KMG ah iyo xoogagga kahorjeeda kuwaas oo weli isku hor fadhiya degmada Kaaraan.

Dagaalka oo la sheegay inuu ahaa mid goos-goos ah ayaa socday muddo kooban, waxaana jiray madaafiic ku dhacayey qeybo kamid ah degmadaas kuwaas oo aan la ogeyn khasaaraha ay u geysteen dadka shacabka ah iyo dhinacyada dagaalamaya.

Ciidanka AMISOM ayaa la sheegay inay duqeyn culus u geysteen degmada Kaaraan oo ay saaka ka dhacayeen dagaallo goos-goos ah, waxaana jira madaafiic u gudbay degmooyinka ku dhow degmada Kaaraan kuwaas oo aan la soo sheegin khasaare ay geysteen.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho Somalia