Maamulkii hore ee degamada Beledxaawo oo ka biya diiday Maamul cusub oo ay Al Shabaab ka dhistay degmadaasi

 

MudugNet, Muqdisho. Talaado, June 23, 2009.
 


Kooxda Al Shabaab ayaa maamul Islaami ah u dhistay degmada Beledxaawo Gobalka Gedo kadib markii ay meesha ka saartay Maamulk Madani ah oo in Mudda ah maamulayay degmadaasi tan iyo markii la yagleelay degmada Beledxaawo Muddo 100-sana ah.
Gudoomiyaha degmada Barkuus iyo xubna kale ayaa la sheegay in xilka laga qaaday islamarkaana lamagacaabay Mas'uuliyiin cusub oo katirsan Kooxda Hubaysan ee Al Shabaab.

Maamulka la magacaabay oo ka kooban 7-xubnood waxaa guddoomiye looga dhigay Shiikh Aadan Maxamed Barre (Shiikh Aadan Nuuux) waxaana mas'uuliyiinta la magacaabay ay sheegeen inay haddii wixii ka dambeeya ay degmada Baled Xaawo ku dhaqi doonaan shareecada islaamka.

Munaasabad shalay ka dhacay bartamaha magaalada Baled Xaawo ayaa dadka loogu sheegay in maamul cusub loo sameeyey degmada Baled Xaawo, waxaana shacabka laga codsaday inay si hufan ula shaqeeyaan maamulka cusub.

Dhanka kalena Guddoomiyaha maamulkii hore ee degmada Baled Xaawo Axmed Yuusuf Barkuus ayaa ka biyo diiday magacaabista maamulka cusub, waxaana uu ku tilmaamay mid aan sharci aheyn oo la dhoodhoobay.
" Cidda Maamulkan dhistay waa kuwa aan la socan waana riyoonayaan, Shacabka degmada Beledxaawo weligood hal gudoomiye ayay lahaayeen hadana yeeli maayaan maamul Maqaar saar ah" ayuu yiri Barkuus.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho