
Burcad
Soomaali ah oo Weerar ku qaaday
Gaari xamuul ah oo marayay
duleedka Magaalada Jowhar
MudugNet, Muqdisho. Talaado,
June 23, 2009.
Kooxo Burcad ah ayaa
dhibaata u gaystay gaari xamuul
ah oo ku safrayay meel ku dhaw
magaalada Jowhar gobalka
Shabeelaha Dhexe oo ay maamulaan
Xoogaga Xagjirka Al Shabaab.
Wararka laga helayo magaalada
Jowhar ayaa sheegaya in xalay
saqdii dhexe maleeshiyo hubaysan
ay rasaas ku fureen gaari Bas oo
ay saarnaayeen dad safar ah oo
ku sii jeeday magaalada Galkacyo
xilli uu marayey meel u dhexeysa
magaalada Jowhar iyo deegaanka
Buurane ee gobolka Sh/dhexe.
Rasaasta ay kooxaha hubaysan ku
fureen gaariga ayaa la sheegay
inay sababtay geerida 2-qof oo
rayid ah halka ay ku dhaawacmeen
ku dhawaad 4-qof, waxaana la
sheegay in markaa kadib ay
kooxaha hubaysan dhac u geysteen
rakaabkii saarnaa gaariga
iyagoona ka qaatay guud ahaan
agabkii ay wateen.
Mid kamid ah rakaabkii saarnaa
gaariga oo warbaahinta la hadlay
ayaa sheegay in dadkii ku
waxyeeloobay rasaasta ay ku
fureen kooxaha burcadda ah la
dhigay isbitaalka magaalada
Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdish