
Maydadka
Dad ay dileen Ciidanka AMISOM oo
laga helay degmada Kaaraan
magaalada Magaalada Muqdisho ? ?
?
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 22, 2009.
Khasaarooyin kala gedisan
ayaa shacabka rayidka ah kasoo
gaaraya duqaymaha sida arxan
darada ah isku dhaafsadeen
Ciidanka AMISOM iyo xoogaga
Islaamiyiinta ah ee dowlada
kasoo horjeed.
Xaafado katirsan degmooyinka
Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ay
shalay AMISOM si daran u
duqaysay ayaa saaka laga helay
maydad dad qaab dhiig bax ah ugu
dhintay halkaasi.
Dad ku sugan degmada Kaaraan
ayaa xaqiijiyay in saaka
agagaarka Jiira Wacbuudhan laga
helay maydadka ilaa iyo 4-qof oo
shalay uu madfac kula dhacayt
guri ku yaala halkaas.
Wararka ayaa sheegaya in dadka
meydadkooda saaka laga helay
halkaas ay u geeriyoodeen
dhaawac ka soo gaaray duqeyn
xooggan oo shalay lala beegsaday
qeybo kamid ah degmada Kaaraan
ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Dadka dhintay ayaa la sheegay
inay ilaalo ka ahaayeen guryo ku
yaala degmada Kaaraan oo ay
eheladooda ka barakaceen,
waxaana ay kamid ahaayeen tiro
dad ah oo ku sugan degmada
Kaaraan oo ay dagaallo hareeyeen.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho
Warkaani meelow la'a yahay
- Tifatire Abtidoon AwBaahalow !