
Madaxweyne
Shariif oo Saxiixay in dalka
Somalia lageliyo xaalad deg deg
ah
MudugNet, Muqdisho. Isniin,
June 22, 2009.
Madaxweynaha Dowladda
Federaalka Somalia Shariif
Shiikh Axmed ayaa aqbalay
go'aankii ay dhawaan qaateen
golaha Wasiirada Somalia ee
sheegayay in dalka xaalad deg
deg ah lagusoo rogay.
Shariif Shiikh Axmed oo shir
jaraa'id ku qabtay madaxtooyada
Villa Somalia ayaa sheegay in
dalka Somalia uu galay xaalad
deg deg ah laga bilaabo maanta
isagoona cambaareeyay wax uu ugu
yeeray ajaanib ku soo duushay.
Madaxweynaha ayaa carrabka ku
adkeeyay in uu saxiixay
go'aankii golaha Wasiirada ay
dalka xaalad deg deg ah ku
geliyeen islamarkaana ay ku
codsadeen gargaar bada baadin
deg deg ah.
" kadib markii aaan arkay
go'aankii wasiirada ee xaalada
deg dega ahaa waxaan go'aansaday
in aan saxiixo si aan uga
hortagno dhibaatada ay cadawgu
nala damacsanyihiin" ayuu yiri
Madaxweyne shariif.
Dhinaca kale Madaxweynaha
dowlada ayaa sheegay in
maalmihii lasoo dhaafay ay dalka
soo galeen kooxo uu ugu yeeray
ajaanib si ay uga barbar
dagaalamaan Xoogaga dowlada
kasoo horjeeda.
Go'aankan uu maanta ku dhawaaqay
Madaxweynaha ayaan la ogayn sida
uu wax uga bedeli karo dagaalada
socda waxaana xusid mudan in
dowladu aysan dalka wada
maamulin.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho