Dagaaladii ka socday Waqooyiga Muqdisho oo sii xoogaystay iyo Mucaaradka oo weli wada is baalarin ?

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 20, 2009.
 


Dagaaladii cuslaa ee maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa sii xoogaystay saaka markii uu waagu barayay kadib markii ay Mucaaradku weeraro qorshaysan ku baahiyeen meelaha ay maamusho dowladda KMG Somalia.
Xoogaga Al-shabaab oo garabsanaya kuwa Xizbul islaam ayaa la wareegay gacan ku heynta isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamada dowladda KMG ah.

Abaaro saaka 7:00 subaxnimo ayey xoogagga is garabsanaya qabsadeen isgoyska Sanca waxaana la sheegay in la arkayey gaadiidka dagaalka oo ay leeyihiin xoogagga Mucaaradka oo ku sugan isgoyska Sanca.

Warar goordhow soo baxay ayaa sheegaya in xoogagga Al-shabaab iyo kuwa Xizbul Islaam ay ku sii siqayaan qeybo kamid ah degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia oo dib isku abaabulay ayay usuurta gashay in ay dib u qabsadaan goobihii lagu dagaalamay waloow kooxaha mucaaradku ay weli wadaan abaabulo dagaal iyo is xoojin taas oo sii kordhin katya loolanka dagaal oo dhib ku ah shacabka Soomaaliyeed.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho