
Shacab
farabadan oo ku dhintay
dagaalada weli kasii socdo
magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 20, 2009.
Khasaara culus ayaa shacabka
masaakiinta ah kasoo gaaray
dagaallo qaraar oo maalintii
4-aad magaalada Muqdisho ku
dhaxmaraya Ciidamada Dowlada oo
kaashanaya Ciidanka AMISOM iyo
xoogaga hubaysan.
Shacabka masaakiimta ah ee ku
nool magaalada Muqdisho ayaa
bilaabay in ay kabarakacaan
xilli ay ku socoto duqaymo ay
boqolaal qof oo Muslim ah ku
dhimanayaan.
Waxaa joogsaday xooga
dagaalka maantay, iyadoo mar mar
ka qaar la maqlayo rasaas goos
goos ah oo ka dhacday furunta
hore ee dagaalka.
Wararka aan ka helayno Goobaha
Caafimaadka ayaa waxay
sheegayaan in ay sii kordhayaan
Qasaaraha ka dhashay dagaalada
maantay ka dhacay Degmooyinka
Kaaraan, Yaaqshiid iyo Shibis.
Ilaa 18-ruux oo qabaan dhaawacyo
kala duwan ayaa la gaarsiiyey
goobaha Caafimaadka, sida
Isbitaalada Deyniile, Madiina
iyo Keysanay, iyadoo ay suuragal
tahay in tirada dhawacyada dadka
qaba ay intaasi ka sii badan
yihiin.
Sidoo kale dagaalka ayaa geystay
qasaare dhimasho ah oo soo
gaaray dad rayid ah iyo
dhinacyada dagaalamayay, haba
ugu badnaadaan dadka rayid ah oo
ku nafwaayeen duqeynta iyo
rasaasta habowga labada dhinac.
Dhanka kale warar aan ka helayno
aaga madaxtooyada ayaa sheegaya
in Ciidamada AMISOM ay isku soo
faafiyeen dhinaca Isgoyska Jubba
sida ay noo xaqiijiyeen ilo
wareedyo lagu kalsoonaan karo,
wallow aan dhab ahaan la
xaqiijin Karin.
Ciidamada Nabad ilaalinta
Midowga Africa ayaa laga cabsi
qabaa in ay madaafiicdii ugu
cuslaa ay ku garaacaan xaafadaha
ay deganyihiin shacabka
masaakiimta ah, si kastaba ha
ahaatee shacabka magaalada
Muqdisho ayaa noqday xasuuq u
joog.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho