Dowladda KMG Somalia oo xaalad deg deg ah kusoo rogtay dalka baaq bad baadin ahna u dirtay caalamka.

 

MudugNet, Muqdisho. Sabti, June 20, 2009.
 


Xukuumadda Federaalka Somalia ayaa ku dhawaaqday in dalka la geliyay xaalad deg deg ah "Marshal Low" kadib markii ay mucaaradku kulaaleen qasriga madaxtooyada Somalia.

Kulanh deg deg ah oo ay golaha Wasiirada Somalia ku yeesheen madaxrtooyada yay kaga doodeen xaaladaha ka taagan Muqdisho iyo sida ugu muhiimsan ee looga hortagi karo isbalaarinta xoogaga Islaamiyiinta ah.
Shir albaabadu u xiranyihiin oo ay golaha Wasiiradu yeesheen ayaa lagu go'aamiyay in dhamaan gobalada dalka lagusoo rogo xaalad deg deg ah.

Wasiirka Warfaafinta u qaabilsan Dowladda KMG Somalia Farxaan Cali Maxamud oo saxaafadda la hadlay gaba gabadii kulankii maanta ayaa sheegay in Wasiiradu ay arrinkaas go'aansadeen sababa jira aawgeed.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa baaq deg deg ah u diray wadamada reer galbeedkagaar ahaan  Maraykanka iyo Ururada caalamiga ah si ay uga kaashato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada.

" Golaha Wasiirada Somalia waxay ka codsanayaan beesha caalamka sida Reer Galbeedka gaar ahaan maryakanka,Midowga Yurub,AU,Arab Leage,Uruka Islaamka in ay dowlada ka bad baadiyaan Argagaxisada" ayuu yiri Farxaan Cali Maxamuud.

Madaxweynaha Dowldda KMG Somalia ayaa looga fadhiyaa in uu saxiixo go'aanka xaalada deg dega ah, arrimahan oo dhan ayaa imaanaya xilli dagaallo culus ay magaalada Muqdisho ka socdaan.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho