
Ciidamada
AMISOM oo Madaafiicdii ugu
cuslayd ku garaacay xaafadaha
magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho. Sabti,
June 20, 2009.
Ciidamada Mabad ilaalinta
Midowga Africa ee ku sugan
magaalada Muqdisho ayaa bilaabay
in ay madaafiic ku garaacaan
xaafadaha ay kuwada suganyihiin
kooxaha Mucaaradka iyo shacabka.
Duqeyn culus ayaa ku socota
degmooyin katirsan magaalada
Muqdisho gaar ahaan degmooyinka
Yaaqshid iyo Shibis oo ay saaka
ka soconayaan dagaallo xooggan
oo u dhexeeya ciidanka dowladda
KMG ah iyo xoogagga ka horjeeda.
Madaafiic culus ayaa ku dhacaya
deegaanada katirsan degmooyinka
Yaaqshid iyo Shibis, waxaana
madaafiicda inta ugu badan ay ku
dhacayaan deegaanka Suuqa Bacaad
ee degmada Yaaqshid.
Tiro madaafiic ah oo ku soo
dhacay Suuq bacaad ayaa la
sheegay inay dad shacab ah ku
geeriyoodeen, waxaana weli
halkaas ku soconaya duqeynta oo
la sheegay inay ka imaanayso
dhanka madaxtooyada.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay
inay duqeyn culus oo arxan darro
ah ka geysanayaan deegaanada ay
ku sugan yihiin dadka shacabka,
mana jiro warar faah-faahsna oo
ku saabsan khasaaraha dhabta ah
ee ka dhashay duqeynta.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
magaalada Muqdisho