Beesha Caalamka oo taageertay Codsigii ay dowlada Somalia Ciidan shisheeye ku dalbatay

 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, June 22, 2009.
 


Beesha Caalamka ayaa siyaabakala gedisan uga jawaabtay codisigii dhawaan kasoo baxay Dowladda KMG Somalia ee ku aadanaa in laga bad baadiyo wax ay ugu yeertay Argagaxisada Somalia kusoo duushay.
Ururka Wadamada Islaamka ayaa shaaca ka qaaday in dowlada KMG Somalia ay xaq u leedahay in ay sika difaacdo kooxaha kasoo horjeedo islamarkaana ay dalbato Ciidan caalami ah oo difaaca.

Xoghaya guud ee Ururka Dalalka Islaamka Kamaaludiin Ixsaan ayaa ku sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray in beesha caalamka looga fadhiyo inay daba qabato dowladda kMG ah islamarkaana ay la timaado dadaalo ay ku garab istaagayso dowladda KMG ah.

Waxa uu sheegay inay aad uga xun yihiin weerarada Milatari ee dowladda KMG ah ka soo wajahaya dhanka kooxaha mucaaradka, isagoona intaas raaciyey in beesha caalamka ay tahay inay la yimaadaan talaabooyin rasmi ah oo ay ku bad baadinayana jiritaanka dowladda sharciga.
Bayaankan kasoo baxay Ururka wadamada Islaamka ayaa kusoo aadaya xilli kooxaha Mucaaradka ah ay kusii siqayaan qasriga madaxtooyada dowladda Federaalka Somalia.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho