Al Shabaab oo maanta xukuno gacan goyn ah ku fulisay dad la sheegay in ay wax ku xadeen magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Isniin, June 22, 2009.
 


Xarakada Al Shabaab ayaa maanta fulisay xukuno gacan goyn ah oo ay ku fuliyeen Kooxo la sheegay in ay ahaayeen burcad magaalada Muqdisho ka weday falal shacabka lagu dhibaataynayo.
Munaasabad balaaran oo lagu xukumayay dhalinyaradaasi burcadda lagu sheegay ayaa maanta lagu qabtay xerada maslax duleedka waqooyi degmada Huriwaa magaalada Muqdisho.

Wakiilka gobalka Banaadir u qaabilsan kooxda Al Shabaab Sheekh Cali Max'med Xuseen oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalo ay ciidankoodu sameeyeen lagusoo qabtay kooxaha Burcadda ah.
Wiilasha lasoo qabtay ayaa gaarayay ilaa iyo 4-qof waxayna magacyadoodu kala ahaayeen sidan.


1-Cali Maxamuud Geedi 2-Ismaaciil Shariif Cabdulle 3-Jelaani Max'med Khaliif iyo Nin kale oo afaraad, dhamaan dadkan ayaa lafilayaa in beri meel fagaara ah looga jaro lug iyo gacan is dhaaf ah.
Waa markii ugu horaysay oo magaalada Muqdisho laga fuliyo xukun caynkaan ah wixii kadmabeeyay markii ay burburtay Maxkamadii Shiikh Cali Dheere ee sagaashameedyadii.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho