
Dowlada oo
soo bandhigtay magacyada dadkii
ku halaagsamay qaraxii magaalada
B/weyne
MudugNet, Muqdisho. Jimce,
June 19, 2009.
Dowladda Federaalka ayaa
maanta shaacisay in ay aas heer
qaran ah u samay doonto Dadkii
shalay lagu laayay qaraxii ka
dhacay bariga magaalada B/weyne.
Wareegto kasoo baxday dowladda
Federaalka ayaa lagusoo
bandhigay Liiska magacyada
dadkii ku qurbaxay qaraxii B/weyne
oo uu ugu muhiimsanaa Wasiirkii
Amniga Col. cumar Xaashi Aadan.
1. Xildhibaan Cumar
Xaashi Aadaan (wasiirkii
Amniga Qaranka)
2. C/kariin Faarax Laqannyo
(Ambasador)
3. Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle
sare)
4. Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle
Sare)
5. Cumar Xasan Dhudi (G/sare
iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta
Hiiraan.)
6. Yuusuf Xuseen Tima Cadde
(Korneel.)
7. Faarax Cabdule Fiidow
(Nabadoon.)
8. Xasan Dariiqow (Nabadoon.)
9. Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)
10. Axmed Carabay (Nabadoon)
11. Cilmi Shire (Nabadoon)
12. Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)
13. Cabdi Dhuux Guure Cali
(Abwaan).
14. Buule xaashi Aadan (Ganacsade)
15. C/fitaax Cali xaydar
(Injineer)
Sidoo kale Wareegtadaasi lagu
soo bandhigay magcayada dadkii
ku geeriyooday qaraxii shalay
ayaa dadka kale ee ku
geeriyooday waxaa ku jir
23-qofood oo isugu jira
Saraakiil sare sare iyo Ilaalada
Wasiirkii Amniga Qaranka
dowladda KMG Soomaaliya.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho