Caalamka ayaa siyaaba kala gedisan u cambaareeyay falkii shalay lagu laayay saraakiil iyo ciidan ka tirsan dowlada.

 

MudugNet, Muqdisho. Jimce, June 19, 2009.
 


Warsaxaafadeed kasoo baxay safaaradda Maraykan ee magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa lagu sheegay in falkii lagu dilay Cumar Xaashi uu ahaa mid laga xumaado oo ay gaysteen kooxo loogu yeeray qaswadayaal.

Safiirka maraykanka u qaabilsan arrimaha Somalia John Yaytis ayaa ku sifeeyay qaraxii B/weyne ka dhacay fal xagjirnimo ah oo wiiqi kara hanaanka Nabadda Somalia.

Dhinaca kale Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Somalia Axmedu Weldu cabdalla ayaa isna sheegay in UN-ku ay baroor diiq usamay doonaan Col. Cumar Xaashi iyo dhamaan saraakiishii dowladda ee weerarka lagu dilay.

Jaamacadda carabta ayaa iyana cambaaraysay falkii shalay B/weyne ka dhacay iyadoo sheegtay in ay sii wedi doonto taageerada ay u hayso dowlada.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho