Tafaasiil Dheeri ah oo kasoo baxaysa dilkii Cumar Xaashi iyo khasaara xoogan oo ka dhashay qaraxii B/weyne

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 18, 2009.


Warar Dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ismiidaamin ah oo maanta magaalada B/weyne lagula eegtay wasiirkii Amniga qaranka dowlada Federaalka iyo saraakiil Itoobiyan ah.

Qarax xoogan oo u muuqday in uu gaystay ruux naftiisa gooyay ayaa maanta duhurkii ka dhacay afaafka hore ee hoteelka Madiina oo ah meel ay ku sugnaayeen saraakiil katirsan Dowlada KMG Somalia.

Weerarkaas isqarxinta ah waxaa ku baxay Col. Cumar Xaashi Aadan iyo Cabdi Kariin Faarax Laqanyo oo horay u ahaa safiirka dowlada uqaabilsanaa magaalada Addis Ababa.

Xaalada magaalada B/weyne ayaa aad u kacsan kadib markii ladilay Wasiir Cumar Xaashi iyo dad farabadan oo ay qaraaba hoosaad ahaayeen


Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho