
Madaxweyne
Shariif " Dalka waxaa kusoo
duulay Al Qaacidda waa in aan
iska qabanaa"!
MudugNet, Muqdisho. Khamiis,
June 18, 2009.
Madaxweynaha dowladda Federaalka
Somalia Shariif Sheekh Axmed
ayaa ka hadlay dagaalada weli ka
socdo magaalada Muqdisho iyo
dhibaatooyinka ay gaysanayaan
wax uu ugu yeeray Argagaxiso.
Shariif Sheekh Axmed oo shir
jaraa'id ku qabtay magaalada
Muqdisho ayaa sheegay in
dowladiisu ay guulo ka gaartay
dagaalada Muqdisho islamarkaana
ay iska difaaci doonaan xoogaga
islaamiyiinta ah.
Madaxweynaha ayaa ku dhaartay in
ay meel iska saarayaan xoogaga
Islaamiga ah ee qarka u saaran
in ay ridaan dowladiisa
fadhiidka ah.
"waxaan cadaynayaa in dagaalka
socda ay mas'uul kayihiin kuwa
shisheeye ah sida Al qaacidda oo
doonaysa in Somalia aysan
Burburka ka bixin oo ay dhibka
kusii jirta, kuwaan calanka
Madoow wata miyaa dan
soomaaliyeed wada" ayuu yiri
madaxweyne shariif.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho