Dagaallo iyo duqaymo maalintii 3-aad ka socdo magaalada Muqdisho

 

MudugNet, Muqdisho. Khamiis, June 18, 2009.

 

Dagaallo iyo duqaymo kala gedisan ayaa maalintii 3-aad magaalada Muqdisho ka socdo, dagaallo qaraar ayaa maanbta degmada Kaaraan ku dhaxmaray.

Warar aan ka helnay degmada Kaaraan ayaa sheegaya in khasaarooyin ay ka dhasheen dagaaladaasi oo ahaa kuwa saamayn dhan walba ah ku yeeshay dadweynaha.

Dhibaatada ugu weyn waxaa dhaliyay madaafiic ay Ciidanka AMISOM si miir la'aan ugu garaacayaan meelaha ay dadka rayidka ah deganyihiin waloow ay jiraan madaafiic ay labada dhinac is dhaafsanayaan oo iyana dadka waxyeelaysay.

Dhinaca kale waxaa maanta albaabada loo laabay suuqa weyn ee degmada Kaaraan oo ay kusoo dheceen mafaafiic dadka baqdin ku beertay, gaadiidka caanaha keena suuqa Kaaraan ayaa fooda gelin waayay suuqaasi waxaana la arkayay gaadiidka oo ay caana ku raranyihiin oo la' cid ka iibsata maadaama dadkii iibsan jiray ay barakeceen.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho